Monday, December 30, 2013

Jose Mourinho oo ka hadlay Qaniiyadii Suarez uu ku dhagay Branislav Ivanovic


Sports (GNA) Jose Mourinho ayaa sheegay in uu cafin lahaa Luis Suarez qaniyadiisa hadii uu ciyaartoy ahaan lahaa, xilli difaaca Chelsea ee Branislav Ivanovic ee Suarez uu hore u qaniin ay markale iska hor imaan doonaan horyaalka Premier League.




Tababaraha Chelsea oo aan waqtigaasi joogin kooxda ayaa hadana ku tilmaamay Suarez mid la cafin kareyn inkastoo ganaax 10 kulan ah ay xidhiidhka kubada cagta FA-da gadhka u galiyeen.




Chelsea iyo Liverpool ayaa ku balansan garoonka Stamford Bridge  iyad aoo tababaraha Blues Jose Mourinho uu isdhaafinayo  qatarta uu leeyahay goolal dhaliye Luis Suarez.




Laakiin Tababare Jose aya ku kaftamay: ” Ma aha markii ugu horeysay uu dad qaniino, laba jeer oo hore ayuu sidan sameeyay”.




Luiz Suarez ayaa ah goolal dhaliyaha ugu sareeya horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan isaga oo  dhaliyay 19 gool inkastoo aanu gool ka dhalin kooxda Man City oo ay todobaadkii la soo dhaafay ku ciyaareen garoonka Etihad ee Magaalada Manchester.