Tuesday, December 31, 2013

Somaliland: Kulamo Albaabadu u xidhanyihiin oo lagu xalinayo Shaqo joojinta Booyaddaha Biyaha


Wasiirka Maaliyadda oo iska baxaray inuu Cashuur ku kordhiyay Gaadiidleyda Cabanaya iyo Xirsi oo Daaha dabadiisa ka hagaya inaan loo jixin-jixin cabashada biyooleyaasha




Hargeysa(GNA)-Kulamo is daba jooga oo socday saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa xal loogu raadinayaa cabashadii Booyadahaha Biyuhu ka muujiyeen cashuuraha lagu soo rogay.




Dibad bax rabshado wata ayaa ka dhashay shaqo joojinta Gaadiidka biyaha dhaamiya, ka dib markii 70% ka mida Xaafadaha Magaaladu haraadeen laba maalmood oo shaqo joojintu socotay.




Kulan Afar geesooda oo shalay ka dhacay Xafiiska Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, kana qayb galeen Wasiirka arrimaha Gudaha, guddida Gaadiidleyda, Maayirka Caasimadda,  Saraakiil ka socda Maaliyadda iyo Maareeyaha Biyuhu, ayaa lagu gorfeeyay sidii arrintan xal waara looga gaadhi lahaa, hase ahaatee lama shaacin natiijo wax ku oola oo daawo ka noqon karta doodda dhinaca Booyadaha.




Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Caasimadda Hargeysa oo ka hadlay nuxurka kulan oo albaabadu u xidhnaayeen, markii laga soo dareeray, ayaa sheegay inay wali ku guddo jiraan xal u helida cabashada Biyooleyaasha iyo mushkiladda guud ee biyo yaraanta Caasimadda.




Dhanka kale, Guddi ka tirsan Golaha Guurtida oo laba maalmood ka hor loo saaray arrintan, ayaa maanta kulamo gooni-gooniya la yeeshay dhinacyada shalay kulmay, ayaa baadhis ku samaynaya sababta keentay cabashada booyadaha.




Kulamadan oo dhamaantood albaabadu u xidhnaayeen, ayaanay caddeyn waxyaabaha lagaga wada hadlay, laakiinse xubnaha guddida guurta la kulmay oo gooni gooni warbaahinta ula hadlay ayaa faahfahin kooban ka bixiyay waxyaabaha laga wada hadlay iyo halka ay wax marayaan.




Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ka mid ahaa xubnaha Guddida xaqiiqo raadinta Golaha Guurtidu la kulmeen, ayaa iska baraxay inay wasaaraddiisu cashuur ku kordhisay Booyadaha, balse cabashada gaadiidleydu la xidhiidho lacagta dhismaha waddooyinka loogu talo galay.




“Wasaaradda maaliyaddu sanadkan waxay cashuurta ka dhintay, qaarna ka dambeysay waxyaabaha baahiyaha Bulshada la xidhiidha, waxaanu ka dhignay wax alaale wixii biyo la xidhiidha cashuur la’aan, wax aanu ku kordhinayna ma jirto “ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.




Waxaanu intaasi ku daray “Cabashada Booyadaha biyuhu waxay la xidhiidhaa Xeerka waddooyinka, laakiinse annagu cashuur aanu ku kordhinay ma jirto, waddooyinkuna waa arrin muhiima, cabashadana meel walba cabasho way taalaa, laakiinse waddooyinkuna waa kuwo ay gaadiidleydu u baahanyihiin”.




Gaadiidleyda Booyadaha ayaa ka cabanaya Lacag xad dhaafa oo lagu soo rogay, taasoo dhamaadka sanadkan lagu bilaabay.




Biyo la’aan ka dhalatay  cabashooda ayaa sababtay mudaharaad rabshado watay oo ka dhacay Caasimadda saddex maalmood ka hor, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo saddex dhaawacmay.




Shaqo joojinta biyooleyaasha ayaa saameyn weyn ku yeelatay bulshada iyo Dawladda, waxaana in xalka kaliya ee lagu soo afjari karaa tahay in wax laga daayo lacagta lagu soo rogay, sida ay gaadiidleydu ku doodayaan.




Xukuumadda ayaa hore lacagtaasi uga xadiiday Basaska oo cabasho ba’an ka muujiyay.




Wasaaradda Madaxtooyada ayaa si toosa lacagta cashuurta Takaalifaatka waddooyinka u qaadata, kamase dhex muuqato ilaa hada dedaalada lagu dejinayo biyooleyaasha ee Hay’addaha dawliga ahi wadaan.




Ilo-wareedyo ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada , ayaa Gobanimonews u sheegay inaan Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan raali ka ahayn in loo jixin jixo cabashada gaadiidleyda, taasoo u muuqata naxariis daro iyo hufnaan la’aan siyaasaddeed.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com