Sunday, December 29, 2013

Puntland: Culimada iyo Isimadda Dhaqanka oo Bayaano dareeno Xambaarsan ka soo saaray Doorashada


Isimadda oo ka digay in Xubnaha Baarlamanka cusub lagu dhawaaqo iyo Culimadda oo la hadlay dhinacyada Bulshada oo dhan




Isimadda Dhaqanka ee Deegaamada Puntland  ayaa kulamo maalmahan uga socday Magaalada Garoowe ka  soo saaray go’aano  kaga dalbanayaan guddida  xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka inaan laagu dhawaaqin xubnaha cusub ee Baarlamanka ilaa inta ay turxaan bixin ku samaynayaan.




Geesta kalena culimada diinta ee Puntland ayaa baaq waano iyo wacdi balaaran xambaarsan ka soo saaray Doorashooyinka Gobolka ka dhacay, iyagoo fariimo u kala diray dhamaan dhinacyada doorashadu khusayso oo shacbigu ka mid yahay.




Labada dhinac ayaa maanta soo saaray bayaano ay arrintan doorashada kaga hadlayaan oo ka soo baxay kulamo kala gooni ah oo uga socday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.




War-murtiyeedka laga soo saaray kulamada Odayaasha Dhaqanka ayaa Guddida xalinta khilaafaadka looga digay inay xubnaha wakiillada ku dhawaaqaan, waxaana lagu caddeeyay in loo baahanyahay in doorashadu wakhtigii loo cayimay qabsoonto.




Bayaanka ayaa u dhignaa sidan:




Isimadu waxay isla qaateen in doorshada puntland ay dhacdo xilligii loogu talagalay ee 8-deeda janaayo sanadka 2014-ka aysana ka dib dhici dooni.




Isimada Puntland Waxay go’aamiyeen in aysan guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulida xildhibaanada aysan shaacin Karin kuna dhawaaqi karin xubnaha golaha wakiilada ee cusub ilaa Isimadu ay ka turxaan bixinayaan waxyaabaha la isku haysto.




Waxay isimada Puntland u diyaaryihiin in ay xaliyaan wax walba oo la isku hayo, khilaafna uu ka jiro si doorasho xalaal ay wadanka uga dhacod.




Dhinaca kale, culimadda Gobolka ayaa kulan diimeed muddo uga socday Garoowe ka soo saaray baaq ku saabsan hawlaha doorashada iyo sida loogu baahanyahay inay ugu dhacaan si nabad gelyo ah.




Culimadda ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen baaqyo ugu kala diray dhinacyada Musharixiinta, Guddiyada Doorashada hagaya iyo Shacbiga.




Waxaanu baaq diimeedkoodu u dhignaa sidan:-




 




“Culimada Puntland oo baaqyo la xiriira Doorashada ka soo saaray Gabagabada Nadwadii Garowe.




Culimada Soomaaliyeed ee Puntland ayaa baaq ku saabsan Doorshada iyo Ololaha Musharaxiinta ka soo saaray gabagabada Nadwadii habeenadan ka socotay masaajidka Xaaji Cali ee magaalada Garowe.




Baaqan oo ka koobnaa 21 qodob ayaa waxaa diirada si gaar aha loogu saaray Ololaha Musharaxiinta Puntland ee la xiriira Doorashada, Qabashada Doorashada, Xullida xubnaha Baarlamaanka cusub iyo qodobo kaloo isla doorashada iyo Nabadgalyada la xiriira.




Baaqa Culimadu ay ka soo saareen gabagabada Nadwada wuxuu u qornaa sidan:-




BAYAANKA CULIMADA




Bayaankan ayaa kasoo baxay nadwo loogu magac daray ilaalinta danta umadda oo caawa lagu soo gu-naanuday Masaajidka Xaaji Cali ee magalada Garowe,waxayna culimaddu si wada jir ah u codsadeen in danta umadda si wadajir ah looga shaqeeyo oo wax kasta o dhaca si nabadgalyo ah lagu dhameeyo.




Waxa uu ka kooban yahay bayaankan 21-qodob oo cid kasta si toos ah u abaaraysa,hoos ka akhriso.




Ujeeddooyinka nadwadan waxaa ugu horreeya gudashada xilka weyn ee Ilaahay culimada ka saaray bayaaninta xaqa iyo u naseexeynta iyo u tilmaamidda bulshada sida ay ku gaari karaan guul adduun iyo badbaado aakhiro.




Isu soo dhoweynta guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada reer Puntland iyo xasuusinta iyo ku boorrinta waajibaadka iyo xuquuqda islaamnimo, walaalnimo iyo xigto ee ka dhexeysa.




In loogu nasteexeeyo cid walba oo rabta in ay ummadda xil u qabato loona tilmaamo mas’uuliyadda iyo amaanada culus ee ay holliyeen.




In bulshada lagu baraarujiyo in danaha gaar ahaaneed ay ku hirgalayaan helitaanka danta guud ee bulshadu leedahay.




Intaa ka dib waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa arrimahan soo socda:-




Bulshada Soomaaliyeed




Waxaan bulshadeenna Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inaan Ilaahay ka xishoonno, ilaalinno soohdimaha ay diintu inoo dhigtay iyo inaan ogaanno inuu Ilaahay diinta galiyay sharafteenna adduun iyo badbaadadeenna aakhiro, wanaag aan iyada lagu helinna aan meel kale laga dooneyn.




Waxaan ugu baaqeynaa ummadda Soomaaliyeed inay ka towbad keento dunuubtii iyo dulmigii dhaxalsiiyay heerka hooseeya ee aynu maanta taagan nahay gude iyo dibad labadaba, ogaadaanna in Ilaahay oo lagu caasiyo ay keento ciqaabtiisa, in loo noqdana lagu helo naxariistiisa iyo nolol wanaagsan.




Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay midoobaan, iskaashadaan iskuna tiirsanaadaan ayna ogaadaan in waxa midnimada ay ku helayaan uu ka weyn yahay waxa ay ku mudanayaan tafaraaruqa iyo kala daadsanaanta.




Waxaan bulshada xasuusineynaa sidii ay isugu gurmadeen xilligii duufaantu ku dhufatay Puntland iy fatahaaddii wabiga ee shabeellada dhexe ay astaan cad u tahay in wax wada qabsi oo kaliya lagu gaari karo waxa naga maqan.




Musharraxiinta jagada madaxweynenimada Puntland




5) Waxaan ugu baaqeynaa ragga ku loolamaya hoggaanka dowladda Puntland in ay Ilaahay ka cabsadaan, una tartamaan si xilkasnimo, hufnaan iyo mas’uuliyad leh, bulshadana tusaan hindise siyaasadeed oo u qalma hanka ummadda, hab-dhaqan wanaagsan oo ay ku kasbadaan kalsoonida iyo inay bulshada u muujinaya inay u qalmaan hoggaanka dalka.




6) Waxaan musharraxiinta xasuusineynaa in dalku yahay koodii, dadkuna yahay kuwii ay doonayeen inay xukumaan, sidaa darteed looga baahan yahay inay bulshada u muujiyaan inay u maqan yihiin ee aysan ku maqneyn, u daneynayaan ee aysan ku daneysaneyn, u damqanayaan ee aysan dulmineyn.




7) Waxaan murashaxiinta ogeysiineynaa in qiimaha doorashadu aysan joogin dagaal, laaluush iyo wax is dabamarin ee ay joogto kalsooni, sidaa darteed looga baahan




yahay in ay ku mashquulaan sidii ay ku kasban lahaayeen kalsoonida bulshada iyo xubnaha ay u wakiilatay inay codkeeda matalaan.




8) Waxaan ugu baaqeynaa murashaxiinta iyo taageerayaashooda inay ka dheeraadaan kicinta, iskudirka iyo kalageynta bulshada iyagoo u adeegsanaya ujeeddooyin siyaasadeed oo shakhsi ah.




9) Waxaan uga digeynaa murashaxiinta inay isu adeegsadaan dicaayado iyo wax iska sheeg been abuur ah iyagoo ka dhiganaya xeelad ay ku sumcad dilaan murashaxa la tartamaya.




10) Waxaan murashaxiinta ugu baaqeynaa inay ilaaliyaan wixii lagu heshiiyay ee go’aanno ah iyo xeerarka nidaam ee dalka u yaal diintana aan ka hor imaaneyn, siiyayna xuquuqda ay isku soo sharraxeen, kana soo baxaan waajibaadka saaran, xuquuqdoodana ku doontaan si sharaf, hufnaan iyo dhowrsooni leh.




11) Waxaan murashaxiinta uga digeynaa wax walba oo khalkhal ku keeni kara amniga iyo xasilloonida dalka, tixgeliyaan taladana uga dambeeyaan ciddii kusoo baxda nidaamka ay ku heshiiyeen.




12) Waxaan murashaxiinta ugu baaqeynaa inay ka digtoonaadaan inay tartankooda ku galaan ballanqaadyo been ah ama aan suurtagal aheyn.




13) Waxaan murashaxiinta xasuusineynaa in waxa loo tartamayo ay tahay hal jago, taasoo qaadda hal nin oo kaliya sidaa darteed kii la dooran waayo waa uuin natiijada soo baxda ogolaado, si lamid sidii uu jeclaan lahaa in loo ogolaado haddii uu isaga ahaan lahaa murashaxa la doortay.




Isimmada




14) Isimmadu waxay u ahaayeen mandiqadan, yihiinna marjic lagu kalsoon yahay qeybna ka ah xasilloonideeda, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa inay ilaashadaan tilmaamahaas wanaagsan ee lagu bartay, xalkana ay qeyb ka noqdaan.




15) Waxaan isimmada ugu baaqeynaa inay xoojiyaan isku duubnidooda, kana dheeraadaan wax kasta oo dhaawacaya midnimadooda, muujinayana is heysi iyo loollan dhexdooda ah, gaar ahaan soo xulidda xubnaha baarlamaanka iyo inay iska




ilaaliyaan inay la kala saftaan murashaxiinta madaxweynenimada ee ay marjica u yihiin, arrimahaas oo meel kadhac ku ah sumcaddooda iyo kalsoonidii soo jireenka aheyd ee lagu qabay.




Xubnaha cusub ee golaha baarlmaanka




16) Waxaan ugu baaqeynaa xubnaha baarlamaanka in ay ilaaliyaan amaanadii ay Ilaahay hortiis u qaadeen ummadda, kuna dhaarteen inay daacad ka noqonayaan, ayna xasuusnaadaan hadalkii Ilaahay ee ahaa:




إن الذین یشترون بعھدلله وأیمانھم ثمنا قلیلا أولئك لا خلاق لھم في الآخرة ولا یكلمھم لله ولا ینظر إلیھم یوم




القیامة ولا یزكیھم ولھم عذاب ألیم. آل عمران 77




17) Waxaan ugu baaqeynaa inay maslaxadda guud ka hormariyaan maslaxadaha gaar ahaaneed, ayna ka digtoonaadaan inay qaaddo eex ama hunguri, aakhiradoodana dhaafsadaan adduunyada qof kale.




18) Waxaan mudanayaasha baarlamaanka ugu baqeynaa inay soo xulaan sida Ilaahay ku og yahay qofka ay ku jirto danta, diinta, dadka iyo dalka.




Guddiga xallinta khilaafaadka




19) Guddiga xallinta khilaafaadka waxaan xasuusineynaa inay Ilaahay hortiis ku qaadeen amaano iyo xil ummadeed, sidaa darteed ay waajib ku tahay inay sida ugu wanaagsan u gutaan, annagoo xasuusineyna in loo xushay inay wax xalliyaan ee aan laga fileyn inay mas’uuliyadda la saaray wax ku halleeyaan.




Murashaxa la doorto




20) Waxaan ugu baaqeynaa murashaxa kusoo baxa doorashada xilka madaxweynenimadada in uu dalka cadaalad ku dhaqo ilaaliyana diinta, iyo masaalixda dadka iyo dalka, kana shaqeeyo isu soo dhoweynta, walaaleynta iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.




21) Waxaan ugu baaqeynaa in uu ilaaliyo ballanta amaanada iyo xilka Alle hortii kaga aaddan iyo kan bulshada labadaba.




Ilaahay ayaa mahad leh ay galladdiisu wanaagyadu ka ebyoomaan




Culimada bayaanka saxiixday




1) Sh. Daahir Aw-Cabdi Aw-Yuusuf




2) Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen




3) Sh. C/Naasir X. Axmed Maxamed




4) Sh. Maxamuud X. Yuusuf Maxamed




5) Sh. Maxamed M. Axmed Xuseen




6) Sh. Axmed Yuusuf Daad




7) Sh. Axmed C/Samad Cabdille




8) Sh. C/Qani Qorane Maxamed




9) Sh. Maxamed Maxamuud Ciise




10) Sh. C/Salaam Maxamuud Cartan




11) Sh. Mukhtaar Axmed Faarax




12) Sh. Yaasiin C/Laahi Cali




13) Sh. Maxamed Cali Axmed




14) Sh. Dalmar Guureeye Kaarshe




15) Sh. Cabdi Xirsi Cali




Si kastaba ha ahaatee dareemadan ka soo baxaya Hormuudka Bulshada ayaa ku soo beegmaya xili laga wer wer qabo in mar kale dib u dhac ku yimaado doorashada Madaxtinimada oo wakhtiga loo cayimay ay ka hadhsantahay 11 Maalmood, balse wali wax badani qabyo yihiin.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com