Monday, December 30, 2013

Maraykanka iyo Ingiriiska oo Ikwaanu Muslimiinka Masar difaacaya


Qaahira(GNA)-Dowladaha Mareykanka iyo Ingariiska ayaa ka hor yimid go’aankii golaha wasiirada dalka Masar ay  Arbacadii todobaadkii hore ku sheegeen in  Ururka  Akhawanu Muslimiinka ee  Dalka Masar loo aqoonsado  Argagaxiso.




Dawladda Milaterigu Taageero ee Masar, ayaa go’aankan qaadatay, ka dib markii ay weeraro qaxyo ah oo lagu qaaday Xarumo Bilaysku leeyihiin oo ku yaala Gobolada Siineey iyo Qaahira ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Taageerayaasha Ururkaasi.




Hadal ka soo baxay Reysal-wasaaraha dalkaasi Cabdifataax Siisi, ayaa lagu sheegay in Akhwaanu Muslimiin lagu daray liiska Argagixisada ee dalkaasi, iyadoo sababahana uu ku sheegay inay xidhiidh la leeyihiin Kooxaha Xagjirka Reer Falastiin , fuliyeena wararo argagixiso lagu qaaday goobo ciidan.




Hase ahaatee Labada waddan ee siyaasadda Reer Galbeedka Manjaraha u haya ayaa talaabada dawladda Masar ku go’aankaasi siyaasadeed oo lagu xalaaleysanayo dhiiga taageerayaasha xisbigaas




Bayaano ka soo baxay Wasaaraddaha arrimaha dibada ee labada dal, ayaa  si cad loogu diiday aqbalaada go’aankaasi.




Ururka ikwaanu Muslimiinka Masar ayaa ah cududda siyaasadeed ee dalka Masar ugu weyn, waxaana wali dalkaasi ka sii socda dibadbaxayada lagaga soo horjeedo nidaamka Milaterigu xukunka kula wareegeen.




Dawladda ayaa amartay in lala wareego dhamaan Hantida masuuliyiinta Ururkaasi iyo cid kasta oo lagu ogaado inay taageerto.




Sidoo kale si loo wiiqo taageerada siyaasadeed ee ay helayaan, ayaa qofka lagu qabto inuu qayb ka yahay mudaharaadyada lagu xukumayaa shan sanadood oo xadhig ah iyo wax ka badan, sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkaasi.




Laakiinse mawqifka Maraykanka iyo Ingiriisku arrintan ku diideen ayaa la filayaa inay dhinto cadaadiska dheeraadka ah iyo dagaalka dawladdu kula jirto dadka Taageersan Ururkaasi.




Madaxweynihii Masar Maxamed Mursi iyo xubno badan oo ka mid ah Hogaamiyeyaasha ururka ayaa xidhan, waxaanay waajahayaan ciqaab adag oo la doonayo in Dambi loogu sameeyo.




 Hay’adda  Amnisty international ayaa go’aanka Maamulka Masaarida ku tilmaantay in loo cuskaday arrimo xaqiiqada ka fog.




Qul-qulatooyinka dalka ka dhacaya ayaa inta badan ka dhacaya Jaamacaddaha waaweyn ee waddankaasi, halkaasoo ay bilayska iyo Milateriga oo isgarabsanayaa awood ku muquuninayaan Kumaan Ardaya oo isu soo baxyo ka sameynaya.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com