Thursday, December 26, 2013

Booliska Itoobiya Oo Taliyaha Booliska Wajaale Si Xun Ugu Garaacay Daanta Itoobiya


Tog-Wajaale (GNA)- Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Wajaale Saddex Xiddigle Muxumed Cumar Suldaan ayay ciidanka Booliska Kililka Shanaad ee Wadanka Itoobiya ee Dhinaca Wajaale shalay si arxan daro ah u garaaceen, kadib markii taliyaha uu telefoon ugu yeedhay taliyaha ciidanka booliiska daanta Itoobiya ee Wajaale, si uu wax uga waydiiyo maxaabiis tiro badan oo Somaliland ah oo ay qabteen iyagoo sharci daro ku sii galaya Itoobiya,waxaana la sheegay inay markii danbe is afdhaafeen sida aanu wararka ku helayna ay hab wadar ah ciidanka Itoobiya ugu garaaceen Taliyihii Booliska Dhinaca Wajaale ee Somaliland.




Sida uu noogu warramay xalay qof goob joog u ahaa dhacdadan, taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland ee Wajaale ayaa shalay aroornimadii dalab uga yimid masuuliyiinta ciidanka booliiska Itoobiya ee Wajaale,waxaana sida la sheegay dalabkaasi ahaa inuu usoo talaabo xaga Itoobiya sida ay awalba isugu gudbi jireen taliyaasha ciidamada booliiska Somaliland iyo Itoobiya ee magaalada Wajaale. Markii uu u taliyaha Somaliland ee Wajaale u tallaabay Dhinaca Wajaalada Itoobiya ayaa waxa wax laga waydiiyay maxaabiis ku xidhan saldhiga Daanta Itoobiya. Taliye Muxumed Cumar Suldaan oo ah taliyaha Booliiska Somaliland ee Wajaale ayaa ka codsaday in wixii Somaliland ah ee saldhigaa ku jira loo soo daayo balse waxaa lagu soo dhex daray niman la sheegay inay yihiin dhalinyaro ka soo jeeda qoomiyadaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya,taasoo uu ka biyo diiday dabadeedna uu ku yidhi dhamaan iska wada haysta oo hasoo daynina, taasoo u cuntami wayday Ciidanka Itoobiyaanka dabeedna ay isku afdhaafeen halkaasi,iyadoo la sheegay inaanu taliyuhu wax ciidan ah ama ilaalo ah sii kaxaysan sida caaddada u ahayd labada wadan ee Somaliland Iyo Itoobiya. Taliyaha Saldhigga Wajaale ee Somaliland ayaa la sheegay inay guuleen ciidanka booliiska Itoobiya, iyagoo jugo badan gaadhsiiyay, in mudo ahna ku haystay daanta Itoobiya ee Wajaale,waxay dad goob joog ahi noo sheegeen in Taliyaha oo sitay saddex Xidigood ay ciidanka Itoobiyaanku ku dul googooyeen, taasi oo noqotay mid ka cadhaysiisay dhamaan shacabkii reer Somaliland ee daanta Itoobiya joogay arrintaasina keeni gaadhay kacdoon ka dhan ah ciidanka Itoobiyaanka ah ee sida xun ula dhaqmay taliyaha. Taliyaha ayaa sida la sheegay muddo saacad ku dhawaad ah ku xidhnaa daanta Itoobiya waxaana la soo daayay isagoo tabcaan ah oo diifi ka muuqato taasi oo ay aad uga cadhoodeen ciidankii uu taliyaha u ahaa ee Saldhiga Booliiska Somaliland ee Wajaale,Waxaana shalay la sheegay in waan waan ay ka dhex bilaabeen la isku soo jiidayo laba ciidan si ay wada shaqayntii usii socoto balse waxaan lagaba wada hadal anshax xumida ciidanka booliiska Itoobiya sida joogtada ah ula yimaadaan Ciidamada Booliiska Somaliland ee Wajaale. Sannad ka hor ayuun bay ahayd markii laba askari oo booliiska Somaliland ee Wajaale ay ciidanka Itoobiya xabsiga u taxaabeen una gudbiyeen JigJiga




Xigasho Gabilay.net