Sunday, December 29, 2013

Waddani:Xukuumaddu way cuntay $40-kii milyan ee EU-du ugu deeqday Biyo gelin Hargeysa”dhegeyso


Mucaaridka oo mar kale Masuuliyadda Mudaharaadyo Rabshado wata dusha ka saaray Xukuumadda




 



Hargeysa(GNA)-Cabdirashiid Riyo Raac iyo Mustafe Qodax oo ka tirsan hogaan xisbiga WADDANI iyo Guddida fulinta, ayaa cambaareeyay rabshadaha ka dhacay Magaalooyinka dalka todobaadyadii ugu dambeeyay, gaar ahaan Mudaharaadkii Maanta ka dhacay hargeysa.



Labada masuul ee xisbiga Waddani ayaa ku baaqay in Shacbiga loo tudho, lagana daayo tacadiga iyo cadaadiska ciidan ee la saarayo.




Cabdirashiid Riyo-raac oo ah Hoghayaha Qorsheynta ee Xisbigaasi ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay lunsatay ama cuntay sida sheegay Lacag Malaayiin Dollar ah oo loogu talo-galay biyo gelinta Xaafaddaha Magaalada ee aanay Biyuhu gaadhin .




“Xisbiga WADDANI wuxuu ogyahay in Xukuumaddu cuntay afartankii Milyan ee EU-du ugu deeqday biyo gelinta Hargeysa”ayuu yidhi.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/abdirashid-riyoraac.mp3"][/audio]




Dhinaca kale, Mustafe Qodax oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga waddani oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay labada xubnood ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayaa yidhi “waxa maanta ayaan daro ah in Boqolaal qof ay u xidhanyihiin cabasho biyo la’aaneed, waxa kale oo ayaan daro ah in Kumanaan qoys Jirikaamo la wareegayaan magaalada oo ay biyo raadinayaan”ayuu yidhi.








 



Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Mustafe-Qodax.mp3"][/audio]




Hadalkan ayaa ka dambeeyay dibadbaxyo khasaare nafeed sababay oo ka dhacay Magaalada Hargeysa Maanta iyo biyo la’aan saddexdii Maalmood ee ugu dambeeyay ka taagnayd Caasimadda, ka dib markii shaqo joojin ku sameeyeen Gaadiidkii Magaalada waraabin jiray.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com