Monday, December 30, 2013

Muhaajiriin Soomaali Ah oo Doon Kula Degtay Xeebaha Dalka Colombia


(GNA) Sida uu sheegey taliyaha ciidanka Police-ka gobolka Gacanka Uraba (Waqooyi Galbeed) ee dalka Colombia ee qaaradda Latin Amerika kaas oo  lagu magacaabo Colonel Raúl Antonio, waxaa la heley meydka illaa shan qof oo muhaajiriin ah oo dooni kula degtay wabi halkaasi ku yaala, sida uu taliyuhu sheegay Dooni aanan xaaladeeda wanaagsanayn oo la saaray dad ka baddan intii ay qaadi kartay ayaa ku degtay  wabiga Atrato ee u dhow xuduudda dalka Colombia  la leeyahay dalka Panama waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray muhaajiriin Somali ah oo ku safrayey doontaasi.




Illaa 30 qof oo Soomaali ah ayaa doonta saarnaa sida wararku sheegayaan, waxaana dhimashadooda la xaqiijiyey illaa 7 qof, iyada oo dadka qaarkood uu yaxaas cuney, inta kalana meydkooda la heley ,waxaana la shaeegay in wali ay socdaan baaritaano aarrintaasi la xiriira, sida warku sheegayo Dadkaasi soomaalida ah ayaa  waxa ay ka kala tageen meelo kala duwan ooka mid ah dunida waxayna u badnaayeen sida la sheegay kuwo ka tagay  dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika,waxayna doonayeen sida la sheegay inay tahriib ku galaan dalka Maraykanka.




Lama oga xaaladda soomaalidii ka badbaaday doonidaasi, iyadoo ay tani noqoneyso masiibo kale oo soo wajaheysa dhalinyarada soomaaliyeed ee naftooda ku biimeynaya dhulal aad uga fog soomaliya oo ay khataro kala duwan kala kulmayaan.




Gobanimonews--Disk