Hargeysa(GNA)-Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta laga waayay Jaad, ka dib markii qaadkii soo gali jiray ku xanimbay Itoobiya.
Goobaha lagu iibiyo qaadka ayaa Haawanayay maanta, waxaanay dadku ilaa hada oo cadcadeedu sii dhacayso dul tuban
Waxay sugayaan inuu jaadku soo galo, isla markaana ay dib u qayilaan saacadaha maalinta ka hadhay.
“Caawa markii yimaado nala soo hadal”ayuu yidhi mid ka mid ah dadka qaadka cuna oo Telefoon ku dalbanayay qaad.
Ganacsatada Jaadka Iibisa ayaa saaka ilaa hada yookaysan goobaha ay ku shaqeeyaan, waxaana saaka la arakayay iyagoo koox koox u soconaya Magaalada oo hadal haya shaqo la’aanta ku dhacday.
Waa markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay dalka ka dhacdo, waxaana sabab u ah oo xayirtay Jaadka Dabaal dega Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya oo ka socota Magaalada Jig-jiga Taariikhda Markii ugu horaysay.
Ka sekow Hargeysa, Goboladda dalka oo dhan ayaa sidan oo kale ka dhacday, lagana waayay daroogada Jaadka.
Marshafyada waaweyn ee lagu qayilo ayaa faaruqa Maanta.
Dadka ayaa sugaya inuu goor dhow soo galo jaadka, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Jaadleyaashu.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editore