Burco(GNA)-Shirkadda Jaadka ee 571 oo ka mid ah Shirkaddaha Jaadka ka keena Galbeed, geysana qaadka ugu badan Bariga somaliland ayaa madaarka diyaaradaha Ee magaalada Burco ka dejisay diyaarad qaad ah, ka dib markii isu socodkii xadka Itoobiya la xayiray.
Guddoomiyaha Shirkadda Jaadka Ee 571 Ee goboladda bariga Somaliland Jaamac Muxumed Salebaan Oo Sharaxaad ka bixiyay Jaadkan ay madaarka Burco ka soo rogeen ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Sidaad la socotaan waxa maanta ka socda magaalada Jig-jiga xuska maalinta Qoomiyadaha Itoobiya oo ay ka qaybgalayaan wafuud ka kala socda beesha Caalamka iyo wadanka Itoobiya ,taasina waxay keentay in la xayiro xadka ,markaa anagu shirkad ahaan bulshadda reer Somaliland waxaanu u fududaynay in aanu diyaarad ku keeno jaadka goboladda Somaliland. Shirkadda 571 waxay noqonaysaa Shirkaddii u horeysay ee jaad ka soo rogta madaarka Burco iyadoo aaney shirkadihii kale ka soo dajin madaarka” Ayuu Yidhi Maamulaha Shirkadda Jaadka Ee Gobalada Bariga S/land Mr: Jaamac Yare
Maamulaha Madaarka diyaaradaha ee magaalada Burco Cabdirisaaq Siciid Xaaji Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay talaabadan ay qaaday Shirkadda Caalamiga ah ee 571 waxaanu yidhi
“Waxa madaarka Burco ka soo degtay diyaarad ay u kiraysan Shirkadda 571 oo sida qaad ay leedahay Shirkadani oo ka soo qaaday magaalada Diri-dhaba ,waxaaney dayaaradani noqonaysaa diyaaradii u horeysay ee garoonka Burco soo cago dhigata mudadii ay dib u habayntu ka socotay markaa waanu soo dhawaynaynaa Shirkadda 571 iyo cidkastoo madaarka imanaysa”ayuu yidhi.