Muqdisho(GNA)-Kulan lagu gorfaynaayo xalada uu haatan ku jiro sheekh xasan daahir aways ayaa waxaa uu habeenki xalay ku dhex maray xarunta madaxtooyada ee vila somaliya wasiirka arimaha gudaha iyo odayaasha beesha habar gidir.
Kulankan oo ay goob joog ka ahayeen rag magac ku leh beesha hawiye gar ahaan beesha habar gidir ayaa labada dhinac waxay ku gorfeyeen in aan hada waxii ka danbeya anay beesha habar girir aqbalayn in uu xabsi sii ahaado shekh xasan daahir ,waxaa ay u sheegen xukuumada somaliya in beesha habar gidir dul qaadkii ka dhanmaday oo waxi hada ka danbeya ay talaabo ka qaadi doonan .
Waxgaradka iyo odayasha beesha habar gidir ayaa ka codsaday wasiirka arimaha gudaha ee dawlada somaliya in uu tuso madaxwaynaha somaliya hase ahatee wasiirku waxaa uu taa badelkeeda u sheegay in uu isagu dawlada ka dhameyey in sheekha la dejiyo guri ku yaala magalad isla markaana ay laalin doonan ciidamo dawladu ay leedahay oo gurigaas ku noolan doono,odayaasha beesha habar gidir ayaa ugu jawabay wasiirka arimaha gudaha cabdikarin in aanay arinkaas aqbalayn oo ay tahay mid uu wali maxbuus yahay isla markaana anay arintaasi u cuntaman
Kulanaka oo qaatay sacado badan ayaa laysla gartay in malinta axada ee soo socota jawab dawladu ay ka bixin doonto sii daynta sheekh arinkaasna dawlada laga warsugo ilaa axada ,kulanka waxaa kale oo goob joog ka ahaa yuusuf maxamed siyaad indhacade oo isagu sheegay in waqtigaa dawladu qabsatay laga war sugo.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com