Thursday, December 26, 2013

Somaliland: Xukuumadda oo sheegtay in la aasayo Marxuumkii ku Dhintay Rabshadaha Burco


Burco(GNA)-Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland oo Magaalada Burco u jooga Daminta Shaqaaqo maalin saddexaad ka dhacday Magaaladaasi ayaa sheegay inay ku guulaysteen wajigii koowaad ee xalinta dhibaatadii ka dhalatay Mudaraadkii maalin saddex halkaasi ka dhacay.




Hal qof ayaa ku dhintay , laba kalena waxa ka soo gaadhay Dhaawcyo, mudaharaad rabshado watay oo maalin saddexaad ka dhacay Magaalada Burco.




Wasiirrada xukuumaddda ka socda ee  soo afjarida arrintaasi u jooga Magaalada oo kala Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir , Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Horumarinta Reer Miyiga Shugri Ismaaciil Baandare , ayaa sheegay inuu isfaham dhex maray qoyska Marxuumkii ku dhintay Rabshadaha oo aan wali la aasin maydkiisa.




Shir jaraa’id oo Caawa Caweyskii  ku qabteen Magaalada Burco waxa ay ku sheegeen Wasiirradu  inay qoyska Marxuumka  isku afgarteen in la aaso Maydka Marxuumka Maalinta Berri ah, iyagoo dhinaca kalena tilmaamay inay wali socoto baadhista sidii shaqaaqada Khasaaraha sababtay ku dhacday.




Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw-daahir Cali oo ah Afhayeenka weftigan ayaa Warbaahinta u sheegay inay kulamo kala duwan la yeesheen Eheladda Dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay Rabshadaha, kuwaasoo  isfaham buuxaa  dhex maray.




Cabdi Aw-daahir Cali, ayaa sidoo kale shirkaasi jaraa’id Bulshada Gobolka Baaq uga diray, waxaanu u soo jeediyay inay nabad-gelyadooda Ilaashadaan, iskana ilaaliyaan wax kasta oo amaanka Gobolka iyo wada noolaanshiyaha Bulshada dhaawacaya.




“waxaanu kulamo la yeelanay eheladii dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay rabshadihii magaalada ka dhacay, qoyska uu ka soo jeedday marxuumkii dhintay waxaanu isku afgaranay in Maydkii Berri la aaso, lagana wada qayb galo, waxaanan halkan tacsi uga diraynaa dhamaan dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay mudaharaadka”ayuu yidhi Afhayeenka Weftiga Xukuumadda Dr. Cabdi Aw-daahir.




Waxaanu intaasi ku daray “waxa kale oo socota baadhista sidii wax u dhaceen iyo cidii ka dambeysay dhibatadii dhacday, baadhistaana waxa ku hawlan anagga iyo Hay’addaha ku shaqada leh”.




Ugu Dambeyn Wasiirku waxa uu baaq u diray Bulshada Gobolka “shacbiga Reer Burco annagoo ka xun wixii dhacay, kana tacsiyadeynayna, waxaan u soo jeedinayaa inay nabad gelyadooda ilaashadaan oo aanay dib u dhicin wixii hore u dhacay, looma baahna wax nabad gelyada waddanka wax u dhimaya, markaa dhamaan shacbiga Gobolka waxaan ugu baaqayaa inay nabad –gelyadooda iyo isku duubnidooda ilaashadaan”ayuu  yidhi.




Axmed Muuse  Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: Axmedmm9@hotmail.com