Saturday, December 7, 2013

Somalia:Xildhibaano u Ordaya Reysal-wasaare oo Madaxtooyada Mashquuliyay


Muqdisho(GNA)-Wasiirkii Hore Ee Gaashandhiga Somaliya Xuseen Carabe Ciise Haatana Ah Gudoomiyaha Gudida Difaacea Ee Golaha Barlamaanka Somlia Ayaa La Sheegaya Inuu ka mid yahay  Shakhsiyaadka u ordaya Reysal-wasaaraha.




Xuseen Carab Ciise ayaa Lagu Xasuustaa In Uu Ahaa Shakhsi Qeyb Lixaad Leh Ka Qaatay Sidii Looga Saari Lahaa Xamar Iyo Gobolada Kale Xarakada Al Shabaab Isagoo Ahaa Wasiirkii Gaashandhiga Ee Wakhtigaasi Xilka Hayay .




Xuseen Carab Ciise Waxaa Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Goboladda Somaliland, isagoo xiligaasi difaaci jiray qadiyada somaliland.




Dhinaca kale Xildhibaan Muuse Shiikh Cumar oo ka mid ah Baarlamanka Somaliya ayaa maanta oo sabti ah ku dhawaaqay inuu u  taaganyahay Reysal-wasaare in loo magacaabo.




Waxa uu sheegay inuu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii dalka u kala dambeeyay, isagoo intaasi raaciyay inuu codsigiisa doonista Wasiirka koowaad u  gudbiyey madaxweynaha Somalia uuna rajeynayo in xilkaas loo magacaabo.




“Waxaan aaminsan sanahay inaan xiligan ahay ninkii ku haboonaa in loo magacaabo xilka raisul wasaaraha dalka, maxaa yeelay waxaan leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo aan horumar ku gaarsiin karo dalka haddii jagadaas la ii garto” ayuu yiri.




Geesta kale, waxa jira xubno tiro badan oo xildhibaano iyo siyaasiyiin kale isugu jira oo u ordaya Kursigaasi banaan.




Madaxweynaha Dawladda federaalka Somaliya ayaa laga sugayaa inuu sida ugu dhakhsaha badan u soo magacaabo Reysal wasaare cusub.




Hadal heyn ka soo baxaysa qorshaha Magacaabista reysal-wasaaraha ayaa sheegaya in laga dhigi doono qof ka soo jeedda Goboladda Waqooyiga, laakiinse ma cadda warkaasi oo wali xaqiiqdiisu dibada umay soo wada bixin.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com