Saturday, December 7, 2013

Siilaanyo oo Jig-jiga soo gaadhay. Daawo


Hoos ka Daawo siilaanyo ka hadlay tegitaankiisa Itoobiya"Muuqaal




Jig-jiga(GNA)-Waxa Caawa magaalada Jig-jiga ka socota Xaflad casho sharaf oo Dawlad Deegaanka Somaliya u samaysay Madaxda ka soo qayb gashay shirka qoomiyadaha Itoobiya oo markii ugu horaysay halkaasi lagu qabtay.




Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa gaadhay Magaaladaasi oo caawa dadka Xafladda ka qayb galay ka mid ah.




Weftiga ayaa socod dhulka ah ku tegay Dalkaasi, waxaana Magaalada Wajaale qaybta itoobiya ku soo dhaweeyay Madaxweyneha dawlad deegaanka Kilalka Shanaad.




Weftiga Madaxweynaha waxa ka mid ah Marwadiisa koowaad, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Beeraha , Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah  iyo xubno agaasimeyaal ah.




Waxa la dejiyay aqalka Martida ee Madaxtooyada, halkaasoo ay hore ugu sii sugnaayeen Madaxweyneyaal, reysal-wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo ka qayb gelaysa xaflada xuska Qoomiyadaha Itoobiya.




Xubnaha wasiirrada ah ee la socday ayaa iyaga la dejiyay hudheel kale oo magaalada ku yaala.




Halkan ka Daawo soo dhaweynta Siilaanyyo iyo hadal uu jeediyay:




Gobanimonews




Jig-jiga Office




Email: editor@gobanimonews.com