Saturday, December 7, 2013

Cali Daacuun: Xasan Sheikh iyo Jawaari waxay u dhaqmayaan la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan".


Muqdisho(GNA)-Siyaasiga Somaliyeed ee Cali Maxamed Axmed (CalI Daacuun), ayaa si weyn u dhaliilay hanaanka ay u shaqeeyaan Baarlamanka Somaliya.




Waxa uu sheegay in ridista Xukuumaddu ay tahay arrin tacadi iyo dhaawac ku ah Dastuurka dalka.




Sidaasi waxa uu ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyay warqabadka Gobanimonews ee Magaalada Hargeysa, kaasoo u dhignaa sidan:




“Waxaan aad iyo aad u dhaliilayaa baarlamaanka, maxaa yeelay waxa ay caadeysteen hal ku dhignna ay ka dhigteen,madaxwaynaha iyo raisalwasaarah  waxaa fudud wasiirka koowaad, waa hab dhaqan ku xun haybadda mudanaha, waana wax aan waafaqsanayn dasduurka.




Qof aan danbi galin in maalin walba la yiraahdo istiqaalad keen hadaad diididna waxaan MAALGELINAYNAA  baarlamaanka si ay uga qaadaan kalsoonidii ay siiyeen .




Ma aha arin la aqbali karo, waxayna wax u dhimaysaa baadidoonka qarankii soomaaliyeed ,waxayna gacan wayn siin doontaa kuwa aan rabin qaranimada  soomaaliyeed




Waxaan oran lahaa dib ha loogu noqdo destuurka mar haddii madaxwaynuhu ku dhaqmayn , baarlamaankuna aanay ixtiraameyn qodobada dastuurka ku qoran oo ay maalin walba qodob suuq gaynayaan .




Taariikh  madoow  bay ku reebaysaa qaranimada soomaaliyeed , sidii ay yeeleen baarlamaanku maalintii ay u codeeyeen inaanu is difaaci karayn raisalwasaruhu, waxay  halkaa ku jabiyeen qodob dastuuri ah oo oranaya eedaysanuhu wuxuu xaq  u leeyahay in uu isdifaaco ( ama qareen qabsado  ) qodobka 35  Aad farqadiisa 1 aad , miyaanay akhriyin xildhibaanadu .




Inta aan xusuusto wa raisulwasaarihii  6 Aad ee muran siyaasadeed la galiyo lana  yiraahdo is ka tag marka laga reebo , CALI MAXAMAD GEEDI ,miyaanay waajib ahayn in lagu til maamo madaxwaynayayaasha soo fariista qasriga madax tooyada waa qayra masuuliyiin aan garan waxa dastuurka ugu qoran iyo waxa raisalwasaaraha ugu qoran .




Tan kale miyaanay ogeen in dastuurka ay ansixiyeen ergooyin ka socda umadda soomaaliyeed oo eega naaya maalinba qodobka la jabiyo, laguna dhalii doono cidda jebissa.




Lama aqbali karo ,in dastuur umaddi ku heshiisay in XILDHIBAAN ama madaxwayne  uu ka yeelo sida uu rabo, kuna dhagareeyo qof aan dambi galin oo gudanaya hawshii loo idmaday .




Waxaan oran karaa fulaynimo ayay ahayd kuwii sida xaq darada ah u soo agaasimay mooshinka , maxa yeelay waxay isku cadeeyeen inay yihiin (QALIN KU DHIIG LAYAAL SAXIIXAY MOOSHIN KAYIMI QASRIGA MADAXTOOYADA  WAXAYNA U CODEEYEEN IN AAN RAISALWASAARUHU IS DIFAACI KARIN BAARLAMAANKANA IMAANKARIN ).




Meel ay dunida ka dhacday ma jirto , waxaad tahay eedeysane ismana difaaci kartid (Qareena Ma Qabsan Kartid ) waa wax ku fool xun qaranimadda iyo dimuqraadiyadda.




Khabiir Siyaasadeed:




Cali Maxamed Axmed “Cali Daacuun”