Lama aqbali karo, in maalin walba madaxwayne yiraahdo, halayga badalo raisalwasaaraha, iyadoo aan lahayn wax sabab ah, burburkii soomaaliaya ka dib waxaa la soo dhisaayay dowlado laguna soo dhisaayay dalka dabadiisa, waxaana bilaabay murankii ugu horaayay DR. Cabdiqaasin Salad Xasan waxaana u danbeeyay madaxwayne xasan sheikh maxamuud , marka laga reebo cabdulaahi yuusuf axmad, murankaa siyaasadeed ee aan waafaqsanayn dastuurka wuxuu dheereeyay dowladnimo la aantii lagu naaloonlahaa .
Umadda soomaaliyeed waxa ay u baahantahay qarannimo ee uma baahnna madaxwayne yiraahda ( ANIGU NOQON MAAYO ADAN CADDE illaahay haw naxariistee ).
Madaxwayne xasan sheikh maxamuud, wuxuu akhriyay dastuurka wuxuuna arkay in uu yahay madaxwayne (sala-moonyan ),wuxuu isticmaalay inuu ku qabsado ama ka dhaadhiciyo wasiirka koowaad inuu ku takri fallo awoodiisa ( murti ayaa oranaysa NINKII SEEXDAA SICII DIBA DHALAY )
U malayn maayo in habdhaqankan lagu noqonaayo qaranimo balsse waxay ku ridaysaa qaranimadii XABAAL aan ciddi ka soo saari karayn .
Meel ay dastuurka kaga taallo ma jirto ,in raiisulwasaaraha la siiyo BEESHA DAAROOD )
Maxaa diiday in la siiyo wasiirka koowaad beesha shanaad ( 5 Aad ) miyaanay ahayn beel soomaaliyeed oo xaq u leh , maxaa kaloo diiday in la siiyo BEESHA DIREED oo soomaaliya ka dagan deegaan aad u balaaran .
Iima muuqato in laga baxaayo amar ku taaglayn, iyo anaaniyo, inta uu yahay madaxwayne xasan sheikh maxamuud , haddaan dib uraaco taariikhda mudadii halka sano ay jirtay dawladani wax qabsoomay haba yaraatee majirto ,maxaa yeelay XUKUNKA OO GALAY GACANTA MADAXWAYNAHA , wuxuuna noqday madaxwayne ( Power Full ah ) , baarlamaankuna way ku siidaayeen awoodaas aanu xaqa u lahayn kuna qornayn dastuurka .
Waxaa hadda ololle ugu jirra, inay raisulwasaare noqdaan in ka badan 70 tan qof oo aqoon toodu sarayso ,
u malayn mayo in uu magacaabi doono qof isaga ka karti badan kan aqoon badan maxaa yeelay, marabo qof wax garanaaya waana dhaqanka KALI TALISNIMADA, waxaan oran lahaa raisulwasaaraha ha lasiiyo FAARAX C/QAADIR oo ka soojeeda BEESHA SHANAAD, dalka dan bay u tahay , dadkuna waxay rumaysnaan doonaan in la gaaray wakhtigii cadaaladda.
Murashixiinta daarod ee rabta wasiirka koowaad, waxaan oran lahaa taariikhda dib u akhriya , kana faa iidaysta wixii dhacay maal mihii la soodhaafay iyo wixii horre u dhacay fursadnna siiya beelaha kale si aad taariikhda u gashaan loona yiraahdo daarood maanta wuu ka tanaasulay xilkii raisulwasaranimo.
Waan hubaa, in FAARAX C/QAADIR ka soo bixi karo xilkan hadii loo idmado waana laga yaabaa in ay daawo u noqoto umadda soomaaliyeed, xasan sheikh maxamuudna uu ku ekaado QODBADA UGU QORAN DASTUURKA .
KHABIIR SARE CALI DAACUUN