Taliska Xooga Badda oo u yeedhay Saraakiishii hore ee dawladdii Siyaad Barre oo hore ka dib balan qaadkii Madaxweynaha”Warbixin
Muqdisho(GNA)-Taliyaha Ciidanka Badda Somaliya Maadey Shiikh Nuur Ufurow, ayaa sheegay inay dib u soo kabasho iyo horumarin ku sameynayaan Ciidamada Badda Somaliya.
Hadalkan ayuu ka maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho, maalmo ka dib markii uu xilka la wareegay, waxaanu intaasi raaciyay inuu u yeeray dhamaan saraakiishii hore ee ciidanka badda Somalia si howlahooda shaqo loogu celiyo loogana faa’iideysto khibrada ay leeyihiin.
“Waxaaan ugu baaqayaa wixii ka nool dhamaan saraakiishii hore ee ciidanka badda Somalia meel kastoo ay joogaan iney yimaadaaan xarunta taliska ciidanka badda si ciidanka badda loo dardar geliyo”ayuu sheegay.
Taliyaha ayaa xusay inay balanqaadyo lagu dhisayo ciidanka badda ka heleen duwalka caalamka qaar, kuwo kalena ay wada hadlo u socdaan.
“ciidanku Badda weli waxaa uu ku jiraa howlo uu dib uga soo kabanayo burburkii ku dhacay sida ciidamada kaleba ay uga soo kabanayaan, meel fiican ayey marayaan howlahaas dowlado badan ayaa balan qaadauy iney tababaro iyo qalab noogu deeqi doonaan kuwo waa helnay qaar kalena waa sugeynaa”.
Qorshaha uu sheegay Taliyuhu ayaa imanaya xili ciidamaddii Badda ee dalku qayb ka noqdeen awoodihii ku bur-buray dagaaladii somaliya markii dhacday dawladdii dhexe ee Taliskii Siyaad Barre 1991-kii.
Saraakiil badan oo ciidamadii Badda ka mid ahaa ayaa ka mid noqday Kooxaha Budhcad Baddeeda Somaliya 10-kii sanadood ee la soo dhaafay ama in ka badan, sida lagu sheegay warbixino hore oo Caalamiya.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa bishii September ka qayb galay shir looga hadlayo budhcad baddeeda oo ka dhacay magaalada Abudubai, kaasoo uu ku sheegay in dalkiisu diyaar u yahay dib u dhiska Ciidamadda Badda si loo soo afjaro falalka budhcad baddeednimada ah ee ka dhaca xeebaha somaliya.
“Dowladda Soomaaliya diyaar ayay u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan-geliyo muhiimadaha gaarka ah sida, ammaanka, cadaaladda, hagaajinta maamulka maaliyadda, dowlad-wanaaga iyo kuwa kalaba,”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi raaciyay “waxaanu dhisi doonaa Ciidamadii badda ee somaliya, si loo helo awood lagula dagaalamo budhcad baddeeda, waxa kale oo aanu shaqo abuuris u samayn doonaa Dhalinyarada si loo yareeyo budhcad baddeednimada”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Hase ahaatee dawladda Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Heshiis ilaalinta Badda ah la gashay Shirkad gaar loo leeyahay.
Shirkaddan oo dhinaca badda kala shaqaynaysa, ayaa fadhigeedu yahay Dalka Holland, waxaana lagu magacaaba the Atlantic Marine and offshore Group.
sida lagu sheegay Qoraal heshiiskan ku saabsan, Shirkaddani waxay dawladda kala shaqaynaysaa qodobadan.
• La socodka dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo dekedaha
• La socodka ilaha dhaqaale ee gaarka ah
• Difaaca kheyraadka dabiiciga ah
• Difaaca kalluumeysiga sharci darrada ah ee maraakiibta ajaaniba ah iyo waxyaabaha saldhigga u ah
• Ka hortagga suntan lagu daadiyo xeebaha dalka Soomaaliya
• Sameynta dabagallo ku aaddan badbaadada iyo ka hortagga adeegyada kontorbaanada ah
Si kastaba ha ahaatee dib u dhiska Ciidamada Badda Somaliya ayaa ah hawl aad u baaxad weyn oo dawladda looga fadhiyo inay ka midho dhaliso inta lagu guddo jiro xiliga kala guurka ah.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com