Monday, December 9, 2013

Saxaafaddaay Ma laba Axmed-siiraanyo ayaa Jira?


Marka hore waxa aan cambaaraynayaa xadhigga,jidh-dilka xaq darrada ay xukuumadu 4ta weriye ugu haysata xabsiga hargeysa.Waxa aan cod dheer ugu baaqayaa Madaxweyne Axmed-siiraanyo inuu si deg-deg ah xoriyadooda ugu soo celiyo weriye ee la mar-marinaayo denbiyo aanay galabsan.




Marka xigta waxa aan Madaxweyne Axmed-siiraanyo xasuusinayaa qodobadan dastuuriga ah ee hoos ku cad:




QODOBKA 25AAD




XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO




SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA




1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.13




2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama




aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.




3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta




ka dhalan karta ku xad gudubkooda.




4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.




Waxa dastuurku ku waajibiyay dawladu inay muwaadiniyiinta u damaanad qaado xuquuqda iyo xorriyadooda.Sidaa darteed booliska qaranku waa xil iska saaraa ilaalinta iyo dhawrida xorriyada iyo xuquuqda muwaadinka.Maaha booliska qaranku inuu si waxashnimo ah u qabto saxafiyiin si salmi ah aragtidooda ugu muujinaaya banaan-bax ku wajahan xaqdaro booliisku ku sii daayay muwaadiin denbiile ah.




 




Mudane Madaxweyne,dastuurka dalka ayaa warbaahinta madaxa banaan siiyay inay aragtidooda toggan ku cabiraan warbaahinta oo ay shacabka gaadhsiiyaan,waa waajibaad ay shaqadoodu xaq u siisay,markaa laguma tuman karo xaqooda muwaadin ee dastuuriga ah,xaqooda shaqo iyo xaqooda mihnadooda ee dastuuriga ah.Sidaa darteed waxa aan cadaynayaa anigoo goob jooge ahaa inay ciidanka boolisku si baalmarsan u qabteen 4ta weriye,kamaradahoodii laga qaaday,xoog,caga-juglayn lagula dhaqmay.Weliba loogu daray garaacid,qasabna lagu saaray gaadhigii booliska.Waxaanay ku guda jireen shaqadoodii maalinlaha ahayd oo wax ka duubayeen banaan-baxii salmiga ahaa ee ay hawl-wadeenada saxaafadu ku muujinaysay xaq-darradii uu taliyaha boolisku ku sii daayay gacan ku dhiiglahii weeraray xarunta wargeyska Hubaal ayadoon haba yaraatee sharciga la hor keenin.




Markaa taasi miyaanay ahayn xukuumadu inay siday doonto ka yeelayso muwaadiniyiinta oo ay ku tumanayso dastuurka dalka.Talaabadani waxay dib iigu celisay sannadahii inna dhaafay inaan soo xasuustu oo aan sidii film u daawado banaan-baxyadii uu hogaamin jiray Madaxweyne Axmed-siiraanyo isagoo ku ololaynaaya kuna dhawaaqaya (Waxan ballan qaadayaa horumarinta saxaafada madaxa banaan,waxaan dhawri doonaa oo aan ilaalin doonaa xorayatal qawlka,waxa aan ballan qaadayaa inaan sugo xoriyada Saxaafada).Markaan dhamaystay filmadaa Madaxweyne Axmed-siiraanyo iyo hadaladii ku wajah-naa ballan-qaadyadiisii saxaafada ayaan barbar dhigaa falalka ku salaysan carr juuq dheh,caga juglaynta,xadhiga xaqdarada ah ee uu mar walba kula kacaayo saxaafada madaxa banaan.




Hadaba anigu waxa aan garan la’ahay inay jiraan 2ba Axmed-siiraanyo. Waxa aan saxaafada waydiinayaa inay shacabka u caddeeyaan inuu Madaxweyne Axmed-siiraanyo yahay laba Axmed-siiraanyo iyo inuu jiro nin keli ah oo la yidhaa Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo.




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL