Monday, December 9, 2013

AMISOM: Askari Jabuutiyaan ah ayaa ku dhintay Qarax Beled-weyne ka dhacay”.


Muqdisho(GNA)-Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay  in askari ka tirsan ciidamada Jabuuti ku dhintay labo kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada B/weyne.




AMISOM ayaa sheegtay in qaraxan uu dhacay Jimcihii la soo dhaafay, iyadoo xustay in ciidamada dhimashada iyo dhaawacu soo gaaray ay ka mid ahaayeen kuwa miino baarka ayna xiliga ku howlanayeen howlo miino baar ah.




Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia iyo taliyaha ciidamada AMISOMn ayaa ka tacsiyadeeyey geerida askariga Jabuutiyaanka ah, iyagoo labada dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad.




 




Ciidamada Jabuuti ee ka howlgala magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, ayaan ka hadlin dhimashada Askarigan.




Bishii hore ayaa askar jabuutiyaan ah  dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro ka dhacay B/weyne.




Ciidamada Jabuuti ee hawl-galka Amisom ku jira ayaa sugan Gobolka hiiraan.




Madaxweynaha Djabouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa dhawr jeer ku cel-celiyay inaany dawladdiisa wax cabsi ah ku haynin, weerarada Al-shabaab ku hayaan Ciidamadiisa ku sugan Somaliya.




Waxa uu sheegay inay xoogaga dalka Djabouti halkaasi sii joogi doonaan ilaa somaliya amaan lagu soo celinayo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com