Hargeysa (GNA)Guddoomiyaha Ururka Waddaniga ah ee AFGARAD Axmed Naxamuud Cali (Shiine), ayaa dhaliilo u soo jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Shiine Afgarad ayaa qoraal uu soo saaray hab sharci oo Dastuuriya ugu dhaliilay go’aanka Xukuumaddu isku hortaagtay Mudaharaadka Xisbiyadda Mucaaridku qabanqaabinayeen Maalinta Salaasadda ee 10 December, waxaanu ku dooday in Dastuurka Somaliland qodobkiisa 32-aad si cad u jideynayo abaabulka dibadbaxyada nabadeed ee mawaadiniintu dareenkooda ku cabirayaan.
Qoraalkan oo uu qodob qodob ugu taabtay habka uu dastuurku u ogolaanayo mudaharaadka dawladdu ishortaagtay ayaa qoraalkiisa oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Gobanimonews ku yidhi sidan:
“tan iyo intii xukuumada kulmiye talada dalka la wareegtay waxa caado noqotay in la jabiyo dastuurka dalka u yaalla oo ay maalin walba ku tumanayso xukuumada talada haysaa , waxaana ugu damabeeyey in wasiir ku xigeenka amnigu isaga oo la hadlayo saxaafdada uu yiidhaahdo lama ogolo mudaharaad salmi ah , waxaana xusid mudan in hore xisbiyagu uga codsadeen wasaarada arrimaha gudaha in ay siiso ogolaanshiiyo mudaharaad ayna u diiday marka la banaan baxana ay ku qabsato .
waxa kale oo wax laga xishooda ah iyada oo wariyayaaal loo xidhay maxaad u tidhaahdeen ciddii Hubaal weerartay maxaa loo siidaayey
hada akhristayaal waxaana halkan idinku soo gudbinayaa qodobka 32aad ee dastuurka dalka oo ay xukuumaddu ku tumatay qodobka 32aad: xoriyadda banaan -baxa, rayiga-dhiibashada , saxaafada iyo warbaahinta kale
1 muwaadin kastaaba waxa uu xor u yahay in uu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal , muuqaal, suugaan, ama qaab kale oo xeerka waafaqsan .
2 muwaadin kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo kana qayb -qaato , , kulan ama baan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan .
3 saxaafada iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xoriyaatka asaasiga ah ee rayi -dhiibasada, waxayna leeyihiin madax-banaanidooda , way reeban tahay talaabo kasta oo lagu cabudhinaayo”.
Guddoomiyaha Ururka Waddaniga Ah Ee AFGARAD Axmed Maxamuud Cali (Shiine)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com