Minneapolis(GNA)-Dawladda Maraykanka ayaa doonaysa inay dacwad ku soo oogto Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimadda Soomaaliya loogu jecel-yahay .
Sheikh Idiris ayaa lagu dacweynayaaa shaki ku saabsan inii Dhalinyarada Somalida ku tashkiiliyo nacaybka Reer Galbeedka.
Waxa la sheegay inay Dhalashadda Mareykankan kala noqonayso ,iyadoo lagu eedeynayo inuu Diinta Islaamka fidiyo, isla markaana dhalinyaradana ugu yeero inay Reer Galbeedka iska ilaaliyaan inay ku dhex-milmaan oo Diinta Islaamka ay ku dhaganaadaan.
Dacwad oogeyaasha Kiiskiisa gacanta ku haya sheegaya inuu qabanayo qodobka argagaxiso la dirirka,maadaama lagu tuhmayo inuu Soomaalidda qurbaha joogo iyo kuwa gudaha ku sugan uu faafinta Diinta Islaamka ugu yeero,taasoo ay Mareykanku ku tuhmayaan Muxaadarooyinka uu jeediyo inay dhibsadeen Dawladda Mareykanka,maadaama loo arkay inuu dadka tashkiilinayo.
Dhinaca kale Wadaadka ayaa lagu heystaa inuu Agoomo badan oo Soomaali ah uu gar-gaar dhaqaalo u fidiyay,isagoo goobo lagu xanaaneeyo agoonta ka furay gudaha Soomaaliya,taasina ay dhibsadeen hey*adaha reer Galbeedka sida (UNICEF)oo u aragta Sheekha inuu xadkiisa soo gudbay,maadaama uu faraha la galay shaqo ay dhibsadeen Reer Galbeedka.
Sheekh Maxamed Idiriis ayaa hadda dacwadiisa ka bilaabatay Mareykanka,waxaana Sheekh Axmed-Nuur oo ka mid ah Culimadda Soomaalidda ee Mareykanka ka codsaday Soomaalidda inay ka qeyb-qaataan gurmadka dhaqaalaha loogu aruurinayo Sheekh Maxamed Idiriis,iyadoo Garyaqaanadda difaacaya ay sheegeen inay ku baxayo difaacidda Sheekha aduun-gaaraya 50-000 ilaa iyo 250-000-Doolar.
Sheekha ayaa hadii uu waayo lacag uu isku difaaco,waxa lagala noqonayaa Baasaboorka-Mareykanka.
Lacagta lagu difaacayo ayuu qareenka Difaacayaa ku sheegay 25000 ilaa 50,000 oo Dollar.
Kooxaha Diinta islaamka u dhaqdhaqaaqa iyo Culimada Maraykanka ayaa soo jeediyay in laga qayb qaato, oo la taageero Sheikha.
Gobanimonews
London Office