Reysal-wasaare Haile Mariam oo xadhiga ka jaray Cisbitaal loogu magac daray Meles Senawi
Madaxda Dawladaha caalamka eeka soo qayb galay oo DDS ku hambalyeeyay horumarka ay gaadhay +Sawirro
Jig-jiga(GNA)-Waxaa Maanta Si aan la Qiyaasi karin Shucuurteeda Uga Dhacay garoonka Kubada Cagta ee magaalada Jigjiga Xuskii 8aad ee Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Sinaanta Walaalnimo ee Shucuubta Dalka Itoobiya(Hidar 29).
Munaasibadan oo markii ugu horaysay lagu qabtay Jig-jiga, waxa ka soo qayb galay raysal-wasaaraha DFI Mudane Haile-mariam Desalegn,Afhayeenka Aqalka Shacabka DFI Mudane Abadula Gamade,Afhayeenka Aqalka-Federationka Mudane Kase T/burhan, Madaxwey-nayaasha 9ka Deegaan ee Itoobiya, Afhayeenada Baarlamaanka 9ka Deegaan,Madaxda Ciidamada Qaranka,Wasiiro Heer Federal ah.
Dhamaana 85ka Qowmiyadood ee Ku Midoobay Midnimo-isjacayl ku wada Wadaagida Xeedhada Dhextaal oo ah DFI, ayaa iyaguna ka soo qayb galay.
Wufuudda Afrika
Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Mudane Juus,Wafti ka socday Koonfurta Sudan,Wasiirka Wasaarada warfaafinta DFS Mudane C/laahi Ciilmooge Afhayenka Baarlamaanka dawlada Rwanda marwo,Madxweynaha Puntland Mudane Maxamed Faroole,Madaxweynaha Jubaland Mudane Sheekh Axmed Madoobe,Madaxweynaha Somali-Land Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Shirguddoonka Baarlamanka Somaliland.
Beesha Caalamka Waxaa ka soo Qaybgalay Ururka Midowga Yurub,QM,Midowga Afrika,Safaarado iyo Diplomaasiyiin Kale.
Hal ku dhiga Xuska Sanadka
Xuskan ayaa hal ku dhig looga dhigay “dastuurkeenu waa gundhiga dib u curashadeena, nidaamkeenu fadaraalku waa aas aaska wada noolaanshaheena iyo midnimadeena , dastuurkeenu waa isha mid nimadeena isku dulqaadashadu waa xoojinta dumuqoradiyada, dastuurkeena ayaa sinaanshaha diimaha iyo qoomiyadaha dardaarankii malas waxaan u gudbinayna jiilka soo socda iyo waliba irayo kale oo muhuum ah”.
Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayn raysal-wasaaraha DFI,Afhayeenada labada Aqal ee DFI,Madxweynaha jabuuti,Wakiilada iyo Madaxda Dalalka Igad.
Beesha Caalamka,Diplomaasiyiinta Safaaradaha,Madaxweynayaasha Deegaanada iyo Dhamaanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer-Itoobiya ee ka Soo Qaybgashay Munaasabadan Salaan Kaliyo Laaba u Gudbiyay Ugana Mahadceliyay ka sooqaybgalka Munaasabadan Waajibka Qarameed ah.
Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga faalooday Sooyaalkii Taariikheed ee uu Deegaanku Soo maray,Fursadihii Dimoqraadiyadeed ee ay ka heleen Shacabka Soomaalida Itoobiya Dhaxalka Dastuurka ka askumay Halgankii Qadhaadhaa ee ay EPRDF Xukunka kaga Tuureen kaligii-Taliskii Faashiistiga ahaa ee Mingistu iyadoona uu Madaxweynuhu ka soo Jeediyay Khudbad taariikhi ah oo Ka soo Duxday Isbarbardhiga Farqiga u Dhaxeeya Itoobiyadii Shalay ee Shuuciga,Dhiig-miiradka iyo Gumaadka Cadaadiska Dibu-dhaceed Huwanaa iyo Iftiinka Dimoqraadiyadeed ee ka Curtay halgankii EPRDF Yididiilada lagu Hilmaamay Diiftii Shalay.
Sidoo Kale Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka warbixiay dadaalkii dheeraa ee loo galay Sugida Amniga Deegaanka.
Munaasabadan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Raysal-wasaare haile Maram oo uga mahadceliyay Xukuumada DDSI iyo Shacabkeedu quruxda iyo qiimaha badan ee ay u diyaariyeen Xuska Maalinta Hidar 29.
Raysalwasaaraha ayaa ka waramay isbedelada Xawliga ah ee Mudo yar ay ku talaabsatay Xukuumada DDSI,Dhaqanka iyo Taariikhda Wanaagsan ee Shacabka Deegaanka, doorka soomaalida itoobiya ay ka qaadato qorshayaasha heer qaran iyo sida muga wayn ee ay maanta walaalahooda ka kooban 85ka qowmiyadood ugu hagar baxeen taasooy shacabka iyo xukuumada DDSI ay ku muujiyeen Itoobiyaanimadooda.
Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa Khudbad Afsoomaali ah ka Jeediyay xafladaasi, waxaanu Xukuumada DDSI iyo Shacabkeedana ugu Hambalyeeyay isbedelada Soo jiitay Indhaha Caalamka ee ay Mudo yar ku talaabsadeen Isagoona Caarabaaby In Dawladiisa iyo Shacabka Reer Jabuutiba Deegaanka Soomaalida Itoobiya garab taagan yihiin.
Afhayeenka Baarlamaanka Kenya iyo Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Ruwanda ayaa iyaguna ka soo jeediyay fariimo iyo Salaan ay uga Wadeen Raysalwasaraha iyo Madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiisa Madaxwaynayaasha labada Dal.
Xubnahan ayaa Sidoo kale ka warbixiyay Yididiilada DDSI ee Gobolka iyo Iskaashiga.
Ergo ka kala socotay Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa iyaguna Dhambaal tahniyad iyo bogaadin ah ka soo jeediyay munaasibadaasi.
Mahrajaankii Ubaxa Ardayda
Munaasibadan ayaa intii ay socotay waxa ay kooxaha Hdaha iyo dhaqanka DDS iyo Ardayda DDS Mehrajaan ka Dhigeen Barxada Wayn ee Garoonka iyo ka soo Horjeedka Tarabuunka kore.
Waxa ay halkaasi halkaasna ku soo bandhigeen Ciyaaro kala jaad-jaad ah oo ay xataa Xidigta Midnimada Astaanka Xidigta calanka DFI Muuqaalkeeda u eekaysiiyeen.
Reysal-wasaare Haile Mariam oo xadhiga ka jaray Cisbitaal loogu magac daray Meles Senawi
Geesta kale ka dib dhamaadka xaflada Hidar 29, Raysalwasaaraha DFI Haile-mariam Desalegn waxa uu xadhiga ka jaray Cisbitaal Casri ah oo laga dhisay Magaalada Jig-jiga oo loogu magac daray Reysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Senawi.
Munaasibada furitaanka xaruntan (Meles Zenawi Momerial Hospital) waxa ku wehelinaayay Dhamaanba Madaxweynayaasha 9ka Deegaan,Afhayeenada Labada Aqal ee DFI,Madaxweynayaasha iyo Madaxda IGAD.
Ka markii xadhiga laga jaray Cisbitaalka Reysalwasaaraha iyo madaxda la socotay waxay gudaha u galeen Cisbitaalka oo ah mid casriya oo aad loo qalabeeyay, waxaana halkaaasi war bixin ku siiyay Wasiirka Caafimaadka DDSI Dr. C/fataax Maxamuud Xasan iyo M/kuxigeenka ahna Wasiir kuxigeenka Caafimaadka C/fataax Siciid.
Cisbitaalkan ayaa ka mid ah Mashaariicda ugu waawayn ee Guud ahaan Dalka Itoobiya laga hirgaliyay.
Sida ay sheegeen Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ee DDS Cisbitaalkan ayaa noqon doona mid looga soo adeeg doonto Geeska Afrika oo dhan., taasoo ay u riyaaqeen madaxdii Martida ku ahayd halkaasi.
Halkan ka Daawo Sawirro cajiib ah:-
Gobanimonews
Wajaale Reporter