Hargeysa (GNA) – Waxa Maalintii toddobaad saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa ku xidhan afar Wariye oo ciidamada booliska Somaliland xidheen toddobaadkii hore, ka dib markii ay ka qayb-galeen Mudaharaad Salmi ah oo lagaga cabanayey caddaalad daro Wargeyska Hubaal ka sheegtay xukuumadda.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya wariyayaashan xidhan, ayaa sheegaya inay cuntada ka soomeen, iyaga oo ku cabanaya in aanay jirin sababta loo xidhay oo aan loo caddaynin.
Wariyayaasha, ayaa cunto joojinta ay sameeyeen bilaabay shalay, waxaana saldhiga dhexe dhooban cuntooyinkii loo geynayey ilaa shalay, xalay ilaa maanta.
Hargeaysa-office