JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
Ujeedo: Warsaxaafadeed Dec.9, 2013
CAMBAARAYN
Xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee ucid waxa uu u taaganyahay ilaalinta jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland,fulinta go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa aanu si culus u cambaaraynaynaa 4ta weriye ee maanta ay xukuumadu si dastuurka iyo shuruucda dalka ka baalmarsan ugu taxaabtay xabsiga.Waa dulmi iyo carr duuba dhaliilaha xukuumada,waa talaabooyin lagu cabudhinaayo saxaafada madaxa-banaan,waana awood sheegasho si joogto ah lagu hayo saxaafada tan iyo intii ay xukuumadani talada dalka qabatay.
Waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumada in si dhakhso ah loo sii daayo 4ta weriye iyo xubnaha xisbiga ucid ee berbera loona soo celiyaa xorriyadooda.
Allaa Mahad Leh
Xuseen Xasan Badmaax
Ku/xig.xoghayaha Arr.gudaha
UCID
Hargeysa/JSL