Jigjiga (GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku margaday ujeeddada socdaal kooban oo ay isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa galabta ku tageen magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ujeeddada Socdaaka Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa, ayaa la xidhiidhay ka qaybgalka Munaasibadda Xuska maalinta Qoomiyadaha Federaalka Itoobiya, hase-yeeshee, Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku haftay ujeeddada ay isaga iyo Wefitigiisu u tageen magaalada Jigjiga ee Caasimadda dawlad-deegaanka Somaalida Itoobiya, waxaanu ku sheegay macno ka duwan macnaha ay leedahay.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa, ayaa markii si diirran loogu soo dhaweeyey duleedka ama halka laga galo magaalada Jigjiga oo ay kaga hor-yimaaddeen Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Masuuliyiin dawladdiisa ka tirsan, ka dib uu la hadlay Warbaahinta, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida halkaa loogu soo dhaweeyey.
“Farxad weyn bay noo tahay aniga iyo wefiga ila socodaa inaannu maanta halkan nimaadno Jigjiga, Annaga oo ku talo-jirna haddii Alle ka dhigo inaannu ka qaybgalno Xafladda dabbaal-degga loo samaynayo muxuu ahaayeey Soomaalida Itoobiya loo samaynayo inaannu ka qaybgalno ayaannu u nimi, taasoo aannu Wefti wayn ku soconno.”Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Jigjiga galabta markii ay gaadheen halkaas ka dib.
Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u mahad-celiyey Madaxda dawlad-deegaanka Itoobiya ee soo dhawaysay, isla markaana waxa uu sheegay inuu xidhiidh fiican oo dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga, siyaasadda iyo wax wada qabsiga ahi ka dhexeeyo Somaliland iyo Itoobiya,.hase-yeeshee, wuxuu halmaamay ama illaaway ujeeddada Weftigiisu u tagay halkaas.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland ee Xuska maalinta Qoomiyadaha Itoobiya ka qaybgala oo ay Xukuumaddu sheegtay in Madaxweyne iyo Wefigiisa si rasmi ah loogu casuumay, hase-yeeshee, waxa ka muuqata inaanu Madaxweynuhu si fiican ula socon ujeeddada rasmiga ah ee Safarka Weftiga uu hoggaaminayaa ku tageen xarunta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.
Maaha markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo sidan oo kale ugu hafto ujeeddada Safar ay u baxayaan isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa, hase-yeeshee hore ayay tan oo kale u dhacday, ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo la weydiiyey ujeeddada safar ay isaga iyo wefti uu horsocdaa ugu baxayeen dalka Jabuuti oo uu si toosa uga jawaabi kari waayey ujeeddada weftigiisu halkaas u tagayaan, balse ay Masuuliyiin uu Afhayeenkiisu ka mid yahay u saxeen, waqtigaas oo uu Jabuuti kaga qaybgalayey Xuska Afartan-guurada qorista Af-Soomaaliga oo dabayaaqadii sannadkii hore lagu qabtay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.
Daawo--Video
Xiggasho-Aftahannews.com