Saturday, December 7, 2013

Kenya iyo Maraykanka oo Callamada hoos loo dhigay 3 Maalmood


Nairobi(GNA)-Madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo dalkiisu baroordiiq u samaynayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela oo Habeen hore Geeriyooday.




Saddex cisho ayaa calanka Dalka Kenya hoos loo dhigay, si dalkaasi murugada geerida Geesigan Caalamka saameyn badan ku lahaa ula qaybsado , waxaana taasi ku dhawaaqay Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyaati.




“saddex maalmood ayaa calanka Kenya la half dejinayaa oo madaxweynuhu amray, si aynu ugu baroordiiqno Ninkii Caanka ka ahaa adduunka ahaa ee hoyday Nelson Mandela”ayuu  lagu yidhi bayaan ka soo baxay aqalka Madaxtooyada jimcihii shalay.




Madaxweynaha Maraykanka ayaa saqdii dhexe ee habeen hore ku dhawaaqay in calanka dalka Maraykanka hoos loo dejinayo ilaa Isniinta soo socota, taasoo uu ku tilmaamay mid loogu murugoonayo shakhsiyada wanaagsan ee adduunka ka baxday.




Dadyowga Caalamka iyo hogaamiyeyaasha adduunka ugu magaca weyn ayaa tacliiq iyo tafsiir kala  duwan ka bixinaya shakhsiyadda Halyeygii la dagaalanka Midab kala sooca ee adduunka.




Waxaana ka mid ah Madaxda sheegtay in cashar aan dhamaayn laga baranayo Mandela ka mid ah Reysal-wasaaraha Senegal iyo madaxweynaha shiinaha.




Gobanimonews




London Office