Kismaayo(GNA)-Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo Maanta madaxweyne ku-xigeenkiisa labaad iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.
Wareegto lagu magacaabay sagaal xubnood oo Wasiirro u badan waxaa saxaafada u akhriyey afhayeenka maamulkaas C/Naasir Seeraar oo sheegay in la magacaabay madaxweyne ku-xigeen labaad iyo sideed wasiir oo kala ah:-
1-Ku-xigeenka labaad ee hogaamiyaha Maamulka JUBBA Suldaan Cabduqaadir (Luga dheere)
2-Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Axmed Cabdi Xafiid Maxamed
3-Wasiirka beeraha, xoolaha iyo Kalluumeysiga Prof. Maxamed Aadan Jaamac.
4-Wasiirka arrimaha Bulshada Maxamed Ibraahim Maxamuud
5-Wasiirka Caafimaadka & Faya-dhowrka Xasan Daahir Yarow
6-Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah Maxamed Nuur Iftin (Shanbara)
7-Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Maxamed Warsame Faarax (Darwiish)
8-Wasiirka Maaliyada Maxamed Shiikh Yuusuf Cumar
9-Wasiirka Macdanta biyaha & bey’adda C/nuur Cali Adan
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba C/naasir Seeraar ayaa sheegay iney dhiman yihiin xubno aan la magacaabin oo ka tirsan golaha wasiirada kuwaasoo uu xusay in dhowaan la soo dhameystirayo.
Maamulka Jubaland ayaa lagu dhisay Magaalada Kismaayo bilo ka hor, balse waxa hawl qabadkiisa iyo dhismihiisa ragaadiyay muran siyaasadeed oo ka soo abuurmay shirkii lagu doortay.
Gobanimonews
Kismaayo Office