Daawo:Madaxweyne Faroole oo khudbad ka jeediyay Shirka Qorshaha shanta sanadood ee soo socda
Jig-jiga(GNA)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole, ayaa soo gaadhay magaalada Jig-jiga ee Caasimadda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya, si uu uga qayb-galo shirka Qoomiyadaha Itoobiya.
Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Jig jiga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay isaga iyo wefti uu hogaaminayo oo ka kooban Golaha Xukuumadda.
Shirka Qoomiyadaha Itoobiya ayaa ka furmaya magaalada Maalmaha soo socda, waxaana ka soo qayb-gelaya sagaalka Kilil ee Itoobiya hogaamiyeyaal ka kala socda iyo madax afrikaan ah.
Cabdiraxmaan Faroole iyo weftigiisa waxa ku soo dhaweeyay madaarka Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Illay iyo xubno sar sare oo dawladda ka socda.
Dr. Faroole ayaa intii aanu ka ambo bixin Garoowe wuxuu gelinkii hore ee Maanta furay Shir dib loogu eegayo qorshaha shanta sanadood ee soo socda ee Maamulkiisa, kaasoo ay ka soo qayb galeen khubaro ka socda qaadhaan bixiyayaasha Caalamka iyo masuuliyiin ka socda maamulka iyo hay’adaha madaxbanaan.
Madaxweynaha ayaa ku faanay waxqabadkii xukuumaddiisa ee shantii sanadood ee tegay, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in qorshahan la dejinayo baahi weyn loo qabo.
Halkan ka daawo khudbadii uu ka jeediyay Shirka:
Gobanimonews
Jig-jiga Office
Email: editor@gobanimonews.com