Gaas oo Cisbitaalka ku booqday dadkii qaraxyadii Boosaaso ku dhaawacmay iyo dhaliilo kululna u jeediyay xukuumadda Faroole+ Sawirro
Boosaaso(GNA)-Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Boosaso iyo deegaamo kale.
Musharaxa ayaa Noqday Musharixii ugu horeeyey ee Degmooyinka iyo Tulooyinka Puntland ku hakada kulana hadla Dadweynaha ku dhaqan isagoo ka Xogwaraysanayay Xaladaha dadka ay ku Noolyihiin.
Dadweynaha ku dhaqan deegaamada uu booqday ayaa Soo Bandhigay Bahiyadooda adeegyada asasiga ah ee aan la gaarsin iyagoo Musharaxana u rajeyeey in uu Xilkaas ku Gulaysto si loo Daboolo Bahiyahooda Asasiga ee Wajibaadka Dowliga ah.
Magaalada Boosaaso oo uu Maanta gaadhay ayuu Cisbitaalka ku booqday dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii halkaasi ka dhacay laba maalmood ka hor.
Degmada Waaciye iyo Gaas
Degmooyinka Maanta uu Dadweynaha Fagarayaal kala hadlay Marka laga soo tago Bosaso waxa kamid ahaa Degmada Waaciye,taasoo uu noqday musharixii koowaad ee booqda
"Geedkan Quraca ah ee aan hadda Taganahay Allaha u Naxariiste Cabdullahi Yusuf Cid ka Dambaysay oo Dadweynaha reer Carmo kula hadashay ma jiraan Madaxda Dowladihii Puntland soo marayna kama hayno wax Cadaalad ah waxan Doonayna Isbedel Cusub oo aan ku Baraarugno" sidaas waxaa Sheegtay mid kamid ah Hormuudka Ururka Haweenka Carmo oo la hadashay Wafdiga Musharaxa oo Fagaraha Beerta kula hadlay Dadweynaha Reer Carmo.
Musharaxa Madaxweyne ee Puntland Cabdi wali Maxamed Gaas ayaa u sheegay Dadweynihii uu la hadlayay Waxyabaha uu xogga saari doono Haddi uu u ku Gulaysto Madaxtinimada Puntland " Isbedelka aad Raadinaysan Insha allah wuxuu ku Imaan doona si deg deg ah si Nabadgelyo ah wuxuu ku imaan doona sida aad Jeceshihiin Isbedelkas wuxuu Noqon doona Mid Cadaladda aad Raadinaysan iyo Horumarkaba aad ka heshaan" ayuu yiri Gaas
"Muwadiniinta Puntland waa in ay u simanyihiin Xuquuqda iyo Wajibaadka taasi waa Cadaladda Shaqsiga ah Adeegyada Dowladda ay bixinayso Haddi ay Noqon lahayd Waxbarashada Caafimadka, Biyaha, Jidadka iyo Amniga In Deeganada Puntland ay u simanyihiin oo Deegan Deegan ka sareeya usan jirin waa Waxa aan ku taamayo Haddan ku Gulaysto Hogganka Dalka" ayuu Gaas ka sheegay Degmada Carmo.
Boosaaso iyo Musharax Gaas
Dhanka kale, Dadweynaha Magaalada Bosaaso ayaa Maanta u Dareeray soo dhoweynta Musharax Gaas oo Safar dhanka Dhulka ah ku tagay, halkaasi.
Dadweynaha ku soo dhaweeyay oo ka horyimid ayaa watay Gadiid lagu Qiyaasay ilaa 300 In ka badan, kuwaasoo Muujiyay in ay Daneynayaan Isbedel Cusub iyagoo qaarkod ku dhawaqayay Erayo ay ku dhiiragelinayan Musharaxa, Isla markana ay ku Dalbanayaan in Hogganka Dalka uu qabto.
Musharaxa ayaa si Guud iyo mid midba u Salaamay Kumanan Qof oo ku soo Dhoweeyey Sabtidii Magaalada Boosaso.
"Waxaan idinkaga Mahadcelinaya Soo dhoweyntiina Qiimaha badan ee Xambsarsan Fariinta taaso ah Puntland waxay u baahantahay Isbedel hadda ah mid Berito ah ma ahan Isbedel Maanta ah ayay u Baahantahay Cod dheer baad ku tirahdeen Farintiina wey Cadahay Puntland wey u Muuqata Xildhibanada wey u muuqata Madaxda Haddana wey u Muuqata wey gaartay si Cad bey u gaartay" ayuu Gaas ku yiri Dadweyna aad u Daneynayay in uu la hadlo.
"Waxan Tacsi u diraya Dadkii Masakiinta ahaa ee Daraad lagu xasuuqay Magaalada Boosaso Dadkaaso ahaa qaarkood kuwa Noolashooda Raadsanayay ayna layeeen kooxaha Dhibta badan ee Sharwadayasha ah Iyaga sheektee Intii dhimatay Allaha u Naxaristo Gacan ka Xaq Daran ayaa dishay inta Dhawaca ahna waa inaan u gurmano, Wajibadka Dowliga ah waxaa kamid ah in Puntland wajibaadka kowaad ay leedahay uu yahay in la ilaaliyo Qofka Muwadinka ah ee Puntland in la Ilaaliyo Amnigiisa iyo Nolashiisa in la Ilaaliyo Maalkiisa la ilaaliyo Sharaftisa iyo Karamadiisa waa Qodobka Kowaad ee Dowladnimo" ayuu ku yiri Gaas Reer Boosaso
"Waxan u Bahanahay Isbedel dhab ah waxan u baahanahay Isbedel dhanka Dhaqaalaha ah waxan la socona in Dadka Puntland ku dhaqan 90% ay dhib ku tahay Maciishadi, Puntland waxaa ku yimid hoos u dhac Dhaqaale waxa ku yimid burbur dhaqaale haddan la daba qabana dhib badan ayaa ku imaan karta shacabka iyo Dowladnimada Puntland , Puntland waxay u baahantahay in Kabayeesha Dhaqaalaha Dib loo Yagleelo waxay u Bahantahay Jidadkii waxay u baantahay Garoomadii waxay u bahantahay Haykalki Dowladnimo ee ka Tarjumaya Rabitaankeena in si degdeg ah u hesho waxan u baahanahay Ilaheeni dhaqaale ee la Curyaamiyay sida Ganacsigii, Beerihii Kaluunkii, Macdantii Xoolahii in dib u habayn dhaqaale oo fiican lagu sameeyo Siyaasad Hufan ee Ganacsi iyo Dhaqaalana aan la nimadno si aan ula tartano Dadka kale ee Dariskeena ah"ayuu yidhi.
" Waa Nasiib Daro Maanta Xoolaha laga dhoofinayo Dekadda Barbaro in Cowskiisa laga qaadayo Puntland"
Gaas oo Cisbitaalka ku booqday Dadkii Qaraxyada ku dhaawacmay.
Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Gelinkii Dambe ee Maanta booqday Isbitaalka Boosaso oo ay ku suganyihiin Dadki ku dhawacmay Qaraxii arxandarada ahaa ee ay ka dhalatay Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan.
Gaas wuxuu booqday isagoo ay wehlinayaan Dhakhatiirta iyo Maamulka Isbitaalka Qolal kamid ah Isbitaalka oo ay jifeen Dad badan oo qaarkood Caruur iyo Haween ahaa kuwaaso ku dhawacmay Qaraxii Malinimadii Khamiista ka dhacay Boosaso.
Musharax Gaas ayaa ka Dhagaystay Dadkii dhibanaha ahaa ee Isbitaalka jiifay Xaladooda Cafimaad isagoo Ilaahna uga Baryay in uu Caafimad siiyo.
Maamulka Isbitaalka ayuu ka dhagaystay Xaladaha Dhawacyadii ka dhashay Qaraxii Todobadkan ka dhacay Boosaso Dadkii Isbitaalka soo Gaaray iyo sida ay wax u qabeen Dadkaaso u badna Birimageydo.
Musharax Gaas wuxuu kaloo u kuur galay Xaladaha Isbitaalka iyo shaqadiisi Maalinlaha isagoo Maamulka iyo Shaqaalaha kala sheekaystay Howlaha adag ee ay Bulshada u hayan Maamulka Dhakhatiirta iyo Kalkaaliyasha Caafimadka.
intii uu ku sugna Isbitaalka Musharax Gaas wuxuu la kulmay una Mahadceliyay Dr. Mikko Altto oo u dhashay Dalka Finland Isla markana Muddo ku sugna Isbitaalka Boosaso si uu u Caawiyo Shacabka Reer Puntland ee u soo Baahi Caafimad doonta Isbitaalka.
Maamulka iyo Shaqalaha Isbitaalka ayaa Wafdigii Musharaxa ee Booqday Isbitaalka u sheegay in Altto u Daboolay Baahiyo Cafimaad oo dhibatooyin badan laga mari jiray kuwaaso ay Kamid yihiin Qaliinada mid kamid ah Xubabka sare ee Wadnaha.
Musharax Gaas oo Qaybaha saxafadda kula hadlay Isbitaalka Gudahiisa ayaa ugu Baaqay Shacabka Puntland ee Gudaha iyo Dibadda ku dhaqan in ay u soo Gurmadaan Bukanada Jiifa Isbitaalka ee Dhowaan Dhawacyo ka soo Gareen Qaraxii Boosaso.
Waxuu sheegay in uu la kulmay Dhakhatiir iyo Shaqaale Daacad ah Howl kar ah dhib badan iyo daruufo adag ku shaqeeya iyadoo warbixin lagu siiyay in ilaa 90 Qof shaqale gaaraya ay Isbitaalka Bandarqaasim ka shaqeyaan weyna ku Mahadsanyihiin howsha adag ee ay hayaan ayuu yiri.
wuxuu ku dhiirageliyay Maamulka iyo Shaqalaha Isbitaalka in ay ka Faidaystaan Dr Altto oo uu sheegay Musharaxa in uu ka soo jeedo Dal dhinacyo badan oo Cafimadka uu kamid yahay Horumar ka sameeyey .
" Waxan soo Booqday Dhaawaci Maalintii Daraad ku dhawacmay Qaraxii Boosaso Shaqo Fiican baa loo qabtay waa loo dadaalay Dhamanteena Marka ay dhibatadaaso kale dhacdo waa inaan Fadhiga ka wada kacno wada gurmano in Isbitaalka Dadka jooga Keliya lagu haleeyo ma ahan waa In la wada Gurmada oo qof kasta iyo Mushtamac ahanba waxan awoodno oo aan tari karno aan tarno waa Muhiim, Dad masaakin ah ayay u badanyihiin dad Xamalata ah ayay ahayeen Dadki Naftooda ku wayay iyo kuwa Dhaawaca qaybtood, in la taageero oo gacan la siiyo Dadkii ay ka tageen Dadkii Geeriyooday ayaa iyadana loo baahanyahay waxaa jirta in Dadkii Geeriyooday ay qaarkood Qoysas Danyar ah Hormuud u ahayeen loona baahanyahay in Dadkii ay ka tageen xaladooda laga war qabo"
wuxuu sheegay in Caafimadka uu Muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada loona baahanyahay Cafimaad wanaagsan Tayo leh Horumarsan in Bulshada ay hesho.
Hoos ka Fiiri Sawirro badan:
Gobanimonews
Boosaaso Office
Email: editor@gobanimonews.com