Sunday, December 8, 2013

Abwaan Nimco Gabaydo oo ka Gabayday Jaafaajiriqa Haweenka iyo SIyaasadda


Samsameey madaxweynaheena ,




Axmed iyo sowjaddiisa ,




Inaan sanifnoon u tirino




Inaan ku sasnoon dhaliilno.




Inaan suuqyadda ka cayno




Sidaanu doonana u hadalno..




Abwaanada weyn ee Nimco Aadan Hurre, ayaa soo saartay Gabay cusub oo la baxay Saddexdii Maanlaawe, kaasoo ay kaga waramayso siyaasadda iyo xeeladaha ay isticmaalaan dadka ku foogani.




Abwaanadan ayaa gabaygeeda ku sawirtay Hanaanka ay haweenka Siyaasada ku jira ee somaliland muddooyinkan dambe ugu xad gudbeen xayndaabka siyaasadda.




Gabayga Saddexdii Maanlaawe oo soo baxay 7/12/2013, waxay ku bilowday sidan:-




 




Bulshada Soomaalilaaneey




 




Siyaasigu wacad ma yeesho




 




Sirdoonkuna  ma, laha aammin 




 




Waxay ehel iyo sokeeye




 




Saxiibo  noqdaan dantoodu




 




Cidday subaxba u tilmaanto




 




Qofkuna bari sidii uu yeelay




 




 Si leeg ilamaa la yeello




 




Ma dhaado falkuu  sameeyey




 




 Sax iyo khalad miduu ku sheego




 




Sidaan qabo aadamuhuna




 




Talada waw simanyihiine




 




siyaasadu caynkan maaha




 




Sahwiga iyo beenta maaha




 




Runtoo laga soomo maaha




 




xaqoo la saluugo maaha




 




Inaan samo ka aradnaanoon




 




Xumaan ku sifoowno maaha




 




Inaan xayaday iska saarno




 




Xishoodkana siibno maaha




 




Baadilkoon u siyaaxno maaha




 




Cadliga seef goysa maaha




 




Salaanka dulmigana maaha




 




Inaan samo ka aradnaanoon




 




Xumaan ku sifoowno maaha




 




Inaan xayaday iska saarno




 




Xishoodkana siibno maaha




 




Anshaxa inaan saydhno maaha




 




Siyaasaddu maaha maaha




 




Caqliga samirkiyo damiirka




 




Asluubtiyo dhaqanka suuban




 




Sowraca gobonimiyo sharafta




 




Sidday u dhantahay dadnimadu




 




Innaan Siiroo garaynoon




 




Sabool iyo caydh ka noqono




 




Siyaasaddu maaha gacalo




 




Samsameey madaxweynaheena




 




Axmed iyo sowjaddiisa




 




Inaan sanifnoon u tirino




 




Inaan ku sasnoon dhaliilno




 




Inaan suuqyadda ka cayno




 




Sidaanu doonana u hadalno




 




Siyaasaddu caynkan maaha




 




Ma aha sodoh qiimo badanoo




 




Si weyn loo wada qadariyoo




 




Xushmiyo mudan soo dhaweynoo




 




Saygeediina uu xijaabtay




 




Sum cadeeda inaynu waxyeelno




 




Siyaasaddu maaha maaha




 




Marxuun saacadiis dhamaatay




 




Xabaashiyo Iilka seexday




 




Inandanu hilibkiisa saafno




 




Inaan sahal mayd u xamano




 




Aduunka maxkamad ku saarno




 




Siyaasaddi caynkan maaha




 




Sandoonow qaylo maaha




 




Ha la iswada seego maaha




 




Ha la isku sanaadho maaha




 




Sokeeye colooba maaha




 




Khiyaamee iyo sir maaha




 




Cadaawad sameyso maaha




 




Siyaasadu caynkan maaha




 




Saxaafada qowlal maaha




 




Muwaadin codkii ku siiyey




 




Xaqiisana seeji maaha




 




Sidii rangers guryaha oo




 




Saqdhexe loo daato maaha




 




Inaan sardhino iyo maaha




 




Kursiga qaranka ii sitaacan




 




Ka fuulayna ha isa siiyo




 




Ka doonayna ha u sakhraamo




 




Saakana haddal iyo goaankay




 




Hablaha Somalilandee




 




Suugaan ugub inaan ku baaqo




 




Iyaga sababta u ahaadoo




 




Sidii shanta maal aduunyo




 




Ragaa idin kala suntadayee




 




Misana isukiin saliday ee




 




Safeyn ugu kala jirtaan




 




Saddexdii maanlaawe weeye.




 




Saha iyo damac isku wadiyo




 




Sedkay isku laynayaana




 




Kumaba lihin saami qaybsi




 




Waxaad ugu sacabtuntaana




 




Sadooy waa dhoy la aane




 




Siddi siddi diina mooyee




 




Hubsada suubaan dhaciina




 




Ayidda samadka ina uuntay




 




Samow ku saliya rasuulka




 




Guriyaha salka dhiga xijaabta




 




Sitaadkeenii bilaaba




 




Ragow sidatani si maaha




 




Si aan ku qancaayo maaha




 




Walaahi si fiican maaha




 




Amaanadii aad sideena




 




Inaad dayacdaan sax maaha




 




Samaaloow miyaan aduunka




 




Siduu u dhan yahay xilkiisa




 




Rabigu dumaddiina saarin.




 




Maxaydun siddaas u yeeli




 




Maxaydun u sibiq dhaqaaqi




 




Maxaydun seeri dhaafi




 




Muxuu suudhkiyo tayga




 




Seetada dabarkiyo hogaanka




 




Iblaysku idiinku soohday.




 




Allaha saatiru raxmaana ah




 




U soo noqda waad gafteen e




 




Salaamka u toobad keena




 




Sujuud dhiga oo ducaysta




 




Sidaa iyo macasaalama




 




Nimco Aadan Hurre ( Nimco Gabaydo)




 




Phone Number 4104771