Sunday, December 8, 2013

Darruuro Faddeexado ah oo Dul-hoganaya Wefti Somaliland ah oo Jig-jiga ku sugan


"Xukuumadda Siilaanyo cadho ay ka qaaday Kaadhkii Cirro u isticmaalay Tegitaanka Jig-jiga Fiise u dalbatay"Warbixin




Jig-jiga(GNA)-Darruuro faddeexad ah ayaa dul-hoganaya wefti ka socda somaliland oo ku sugan Magaaladda Jig-jiga ee Caasimadda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya oo uu ka dhacayo xuska 8-aad ee Maalinta qoomiyaddaha Itoobiya.




Arrimo badan oo dhaawici kara Milgaha Dawladnimo iyo meeqaamka Somaliland ayaa ka mid ah faddeexadahaasi.




Ciidamadda Amaanka Itoobiya ayaa maanta Xabsiga dhigay gabadh la socotay weftiga Madaxweynaha ee maanta gaadhay Magaaladda Jig-jiga.




Gabadhaasi oo ilaa hada aan la aqoonsan cida ay tahay iyo waxay u socotay toona, waxa warbaahinta qaarkeed sheegeen inay waddeen xubno ka mid ah Wasiirrada weftiga madaxweynaha la socdaa.




Gabadhaasi ayaa lagu qabtay Hudheelka la dejiyay Wasiirrada, waxaanay wararka qaar sheegayaan  in iyadoo ka degtay Gaadhiga lagu siday la qabtay.




Dhinaca kale, taas ka sekow, weftiga Madaxweynaha ee Magaalada Jig-jiga tegay waxay muujiyeen habqan iyo hoos u dhac dawladnimo oo somaliland ka soo gaadhay tegitaanka Jig-jiga.




Waxa uga sii horeeyay Madasha xaflada xuska lagu qabanayo Guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdiraxmaan Cirro oo sida la sheegay Dawladda federaalka Itoobiya ku soo casuuntay, isla markaana metelaadiisii somaliland ee madashaasi u bedelay mid  Dhoolatus Xisbigiisa ahi ka muuqdo.




Dhoolatus shalay uu ka sii sameeyay Wajaale, ayaa u muuqda inuu ka xanaajiyay xukuumadda oo sida la sheegay in madaxweynuhu jig-jiga tago ku dhalisay xalay oo qudha, halka markii hore la filayay inay laba wasiir uga qayb galaan xukuumadda Shirkaasi.




Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya oo wadata baratakoolka iyo nidaamka Xafladan ayaa la sheegay inay soo casuuntay Saddexad xubnood ee shir-guddoonka Wakiillada iyo wasiiro.




Laakiinse waxa la sheegay in Madaxweynaha tegistiisu xalay timi, isla markaana uu ku baxay Fiise shakhsi ah, taasoo luminaysa maamuuskiisii madaxweynenimo iyo Milgihii Qaranka.




Ilo-wareedyo Gobanimonews heshay ayaa tibaaxaya in Fiiseyaasha Weftiga Madaxweynaha saaka ay safaaradda Itoobiya ka dalbatay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland, taasoo sababtay loo soo ogolaaday.




Jiritaanka warkaasi waxa sii tahkiidinaya warar soo baxay saaka gelinkii hore oo sheegayay in Madaxtooyada somaliland xalay Fiise dalbatay ka dib markii ay aragtay sida Guddoomiye cirro loogu soo dhaweeyay Jig-jiga, isagoo isku sawiray, isla markaana lumiyay magicii uu meesha ku tegay ee ahaa Somaliland oo Kaadhka Xisbiga waddani ka weynaysiiyay.




Si kastaba ha ahaatee arrimahan iyo kuwo kale oo laga soo warinayo Jig-jiga, tibaaxayana inuu isku dhex yaac iyo maamul xumo ka muuqato habka Weftiga Madaxweynaha loo dejiyay jig-jiga, ayaa dhaawac ku noqonaya Qaranimada somaliland, isla markaana xukuumadda Siilaanyo Dabar jab ku ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com