Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee wakhtigu ka dhamaaday ee Kulmiye Jaamac Shabeel oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday hadal ka soo yeedhay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ku saabsanaa xal u helida Aafada tahriibka.Jaamac Shabeel ayaa sheegay in Wasiirka Ciyaaruhu ku andacooday inaan dhalinyarada laga joojin Karin Tahriibka, waxaanu dhawaaqaas ku tilmaamay mid nusqaan ku ah qaranka, isla markaana mugdi gelinaya siyaasadda Xukuumadda ee arintaas ku aadan.
" Maalin Dhoweyd waxan TV-ga ka maqlayay wasiirka ciyaaraha oo leh waxba kama qaban karno tahriibta aad ayaan uga xumaaday in wasiirkii dhalinyaradu uu yidhaahdo waxba kama qaban karno adduunyadana waxaan laga qaban karin ma jiro wasiirkaasina kumuu turjumaynayn siyaasadda xisbiga” ayuu yidhi.
Waxaanu intaas raaciyay “siyaasada xisbigu waa in la joojiyo tahriibta waa in shaqo loo samyeeo dhalin yarada marka uu leeyahay tahriibta waxba kama qaban karno kumuu hadal siyaasadda xisbiga. “waayo 100 caruurta ah ah ee dhimatay waa xoog iyo caqli Somaliland ka maqan markaa inta hadhayna hala yidhaahdo waxba kama qaban karno oo ha tagaan taasi caqli maaha ee waanu ku dhiiranaynaa in dhalinyarada wax laga qabto isku day hore waanu samaynay mid labaad iyo mid saddexaadna waanu samaynaynaa illaa xal laga gaadhayo" ay yidhi guddoomiye jaamac shabeel.
Tahriibka Dhalinyarada Somaliland ayaa kor u kacay sanadihii ugu dambeeyay, taasoo si weyn u damaqday bulshada, kana mid noqotay Masiibooyinka qaran ee aan wali daawada loo helin.