Tuesday, September 23, 2014

Maraykanka iyo Xulafadiisa oo gudaha Syria ka bilaabay Duqeymo ka dhan ah Daacish

daacishDimishiq-Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa markii ugu horraysay bilaabay in ay cirka ka duqeeyaan dagaalyahanada Dowladda Islaamiga (Daacish) ee ku sugan gudaha dalka Suuriya.

Tani waxay bilow u tahay qorshihii mudada soo socday ee Maraykanku hogaaminayay ee lagula dagaalamayo ISIS.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo la yiraahdo Adm John Kirby, ayaa sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka, kuwa wax duqeeya iyo madaafiicda loo yaqaano Tomahawk.

Duqeynta waxa ay ahayd mid la filayey kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, uu laba todobaad ka hor ballanqaaday in uu burburin doono, hoosna u dhigi doono khatarta kooxdan oo dhul ballaaran kala wareegtay Suuriya iyo Ciraaq.

BBC-da ayaa sheegtay inay dowladaha Carabta qaarkood ka qayb qaadanayaan duqeyntan laga geysanayo Suuriya, balse weli ma kala cada wadammada ay yihiin iyo doorkooda waxa uu yahay.

Dalal badan oo Sucuudigu ka mid yahay ayaa horey u ogolaaday inay ka qayb-qaataan gulufka lagu qaadayo Daacish.

Daacishiinta Suuriya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay qoorta Gowrac uga jaray saddex la hayste oo reer Galbeed ah, kuwaasoo uu ka mid ahaa Wariye u dhashay Maraykanka.

Maraykanka ayaa 190 Duqeymood oo xagga Cirka ah ku qaaday Faraca dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq, kaddib markii ay isku dayeen inay qabsadaan gobolo kale oo dalkaasi ka tirsan.

Aqalka cad ayaa horey wacad ugu maray in la soo qaban doono kuwa ka dambeeya dilalka dan-jireyaaasha reer Galbeedka ee Syria oo uu ka mid yahay David Haines oo tan iyo sanadkii la soo dhaafay u afduubnaa ISIS, todobaadkii la soo dhaafayna fagaare lagu qaarajiyay.