Monday, September 29, 2014

Ximin iyo Xeeb: Wasiir is-casilay oo bedelkiisa la magacaabay

Cadaado(GNA)-Warka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) uu si rasmi ah u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulkiisa, kaddib markii sabtdii shalay uu iscasilay Wasiirkii hore ee xilkaasi hayay.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulkaas ayaa loo magacaabay Axada maanta Maxamed Xaaji Xuseen, kaasoo bedelaya Xasan C/laahi Maxamed oo istiqaalada is casilaada u gudbiyay Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb.

Wararka la xidhiidha magacaabista Masuulkan ayaa intaas ku daraya inuu Khilaaf hoose ka taaganyahay magacaabistiisa.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maamulka C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) oo hadlay markii uu magacaabay masuulka cusub ayaa kula dardaarmay in looga baahan yahay inuu muujiyo dhabar adeeg islamarkaana si waafi ah u guto xilkiisa.

Madaxweynaha Maamulka C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa ka codsaday inuu dardargeliyo hawlaha shaqo ee loo igmaday, isagoona u sheegay in shaqo adag ay hortaalo.