Saturday, September 27, 2014

Somalia: Dawladda oo 2 Milyan oo Dollar Dul-dhigtay Madaxa Hogaamiyaha Cusub ee Al-Shabaab

doo kale, Taliyuhu waxa uu xusay in la siin doono lacag dhan Hal milyan oo Doolarka Maraykanka ah ciddii keenta xogo horseedi kara in la khaarijiyo hoggaamiyaha Xarakada Al-Shabaab
calanka somalia
Muqdisho-(GNA)Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in lacag gadhaysa Laba Milyan Oo Doolarka Maraykanka ah ay siinayso ciddii gacan ka geysata in nolol lagu soo qabto hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab, Axmed Diiriye Cumar (Abuu Cubeyda), sidaana waxa iclaamiyay Taliyaha cusub ee ciidanka nabad-ugidda Soomaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare,Sidoo kale, Taliyuhu waxa uu xusay in la siin doono lacag dhan Hal milyan oo Doolarka Maraykanka ah ciddii keenta xogo horseedi kara in la khaarijiyo hoggaamiyaha Xarakada Al-Shabaab, waxaamu sheegay Taliyuhu in aanay shaacin doonin oo ay qarin doonaan aqoonsiga qofka bixiya xogo ku saabsan macluumaadkan loo baahan yahay. 

Amiirka cusub ee Xarakadda Islaamiyiinta ah ee Al-Shabaab, ayaa dhawaan loo doortay Sheekh Axmed Cumar (Abu-Cubayda), kaddib, markii Amiirkii hore ee Xarakadda iyo

laba sarakaal oo sarsare oo la socday lagu dilay duqayn xaga cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanku.

Mustafe Axmed  (Herer)

HERERSAX@gmail.com

Gobanimonews.com/Office

Hargeisa/Somaliland