Wednesday, September 24, 2014

XILDHIBAAN CALI BARRE OO KA HADLAYA SOCDAALKA SULDAANKA GUUD EE WARSANGALI IYO WEFTI MADAXDHAQAMEED AHI KU TAGEEN GAROOWE

downloadHargeisa (GNA) Xildhibaan Cali Barre oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland kana soo jeeda Bariga Sanaag iyo Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Cali Faarax Buureed isna Degaanka Badhan ka soo jeeda,ayaa isku maandhaafsan Natiijada Shir Beesha Wargsan-gali ku yeelatay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag.

 

Labadan Masuul oo maalmihii u dambeeyay Eedaymo isku marinayay Warbaahinta ayaa Wasiirka Kaluumaysiga aaminsan yahay Shirkaasi ahaa mid Somaliland arimo aan u dan ahayn lagaga hadlay islamarkaana Natiijadiisu tahay ta Madaxdhaqameedka Warsangali oo uu hogaaminayo Suldaanka guud ku tageen Garoowe.hase ahaatee Xildhibaan Cali Barre ayaa ka duwan sidaasi oo aaminsan in Shirkaasi ahaa mid Dhaqan oo siyaasad ka madhan.

 

 

 

Xildhibaan Cali Barre oo ka hadlaya Socdaalka Suldaanka Guud ee Warsangali iyo wefti Madaxdhaqameed ahi ku tageen Garoowe waxa uu ydihi “Waxaa la soo sheegayaa in Suldaankii Guud iyo Cuqaal la socota ay tageen Shalay Garoowe.Tagitaanka Suldaanka iyo Cuqaasha iyo Shirkii Xiin-galool wax is khuseeya maaha. Suldaanku waa Suldaan Guud, meelo badan baanay dagaan dadka uu Suldaanka u yahay, Kismaayo ayay degaan, Kismaayo Ayay degaan, waxay degaan Jabuuti, waxay degaan Eretria, waxay degaan Puntland, Somaliand na waxaa degta Aqlabiyada oo degaanka Rasmiga ah baa ah.Meel kasta oo dadkiisu joogo Suldaanku horta wuu tagi karaa oo qaab dhaqan buu ku tagi karaa”

 

Xildhibaan Cali Barre waxa uu sheegay inaanu taageersanayn in Suldaanku Garoowe u tago qaab siyaasaddeed “ Hadduu qaab siyaasadeed u tago wuu khaldan yahay oo anigu taas kuma waafaqsani, waayo? Anigu Siyaasadda Somaliland ayaan ka turjumayaa, isna hadduu siyaasad ku shaqaynayo waa inuu Ta Somaliland ku shaqeeyaa, aniga Mabda’aygu waa kaas”

 

Xildhibaanka oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “haddiise uu qaab dhaqan ku tago way u furan tahay oo wuxuu la mid hayay Suldaanka Ciise,Ka Samaroon, Ka Canfarta oo Somaliland,puntland,Jabuutiy iyo Kilalka Shanaad intaba u dhexeeya ee qaabka dhaqan ku taga meel walba”