Wednesday, September 24, 2014

Somaliland iyo Soomaaliya oo loogu baaqay wadahadalo xaqiiqda lagu waajahayo

Ergeyga Dawladda Norway u qaabilsan Arrimaha Somalia oo booqasho Hargeysa ku yimi iyo nuxurka kulan dhex maray Madaxweyne Siilaanyo...

DSC_0057Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay weheliyaan ku-xigeenkiisa iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirradu ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kula kulmay Wakiilka gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo dalka booqasho ku jooga.

Ambasador Mr. Jens Mjaugeal, oo muddo shan sannadood ka soo wareegtay booqashadiisii ugu dambeysay ku yimi Hargeysa, ayaa madaxweynaha iyo Golihiisa xukuumadda kala hadlay arrimo badan oo ku saabsan iskaashiga iyo xidhiidhka labada dawladdood iyo ka wada shaqaynta Mashaariicda Shidaalka baadhista iyo horumarinta.

Waxa kale oo kulankaasi diirada lagu saaray, isla markaana muhiimaddiisa koowaad ahayd, sidii loo sii amba-qaadi lahaa wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya oo ay haatan Dawladda Norway ku soo biirtay dhexdhexaadiyeyaasha labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Ergayga Norway, ayaa warbaahinta uga waramay waxyaabihii Kulankan lagaga wada hadlay, waxaanay labada masuul shaaca ka qaadeen in shirka layskula soo qaaday iskaashiga iyo arrinta wada hadalka Muqdisho iyo Somaliland.

“Waxaan ka wada hadalnay dawladda Norway oo ah dawlad weyn oo aan cilaaqaad wanaagsan leenahay, sidaanu xoojin lahayn cilaaqaadka naga dhexeeya ee u kobcin lahayn.

Norway waxay door weyn ku leedahay arrimaha Shidaalka iyo Horumarinta Qaranka, markaa waxaanu isla soo qaadnay siday wax inooga tari lahayd arrimaha Shidaalka, inoogana caawin lahayd xagga baahiyaha aasaasiga ah, haday tahay aqoonta iyo tabararada, kaabeyaasha dhaqaalaha sida soo saarista Kalluunka iyo arrimaha kale.”sidaasi waxa sheegay Wasiirka Arrimaha dibada iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo faahfaahin ka bixinayay qodobada kulanka looga hadlay.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa intaasi ku daray “Markaa hada waxaanu ka wada hadalnay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen inay sii socdaan wada hadaladii noo dhexeeyey annaga iyo Muqdisho iyo arrimo ku saabsan xagga nabad-gelyada oo ay Budhcad-caddeeda iyo Argagixisadu ka mid tahay oo ay aad noogu tahniyaddeeyeen shaqada wanaagsan ee aynu ka qabanay.”ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay inay cilaaqaad rasmiya la yeelan doonaan Norway “Waxaanan doonaynaa dawladda Norway oo ah dawlad waayo-aragnimo u leh arrimaha wada hadalada, Macdanta, Shidaalka iyo nabad-gelyada inaanu la yeelano cilaaqaad rasmiya oo wanaagsan, inagana caawiyaan arrimahaas iyo wixii kale ee nagaga xidhan”.

Ergayga Norway:

Ergeyga gaarka ah ee Dawladda Norway Mr. Jens Mjaugeal oo isna dhinaca weftigiisa u hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay nuxurka wadahadalka dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa.

Mr. Jens Mjaugeal waxa uu sheegay inay Somaliland tahay Gobol ka duwan soomaaliya inteeda kale, kana muuqdo horumar dhaqaale iyo fursado kale oo aan ka suurto gelin Koonfur. Maanta Soomaaliya oo dhami waa dal aad faqiir ah, laakiinse Somaliland waxa ka muuqda nabad-gelyo, koboc dhaqaale iyo fursado kale oo badan”

Ergayga, ayaa soo qaaday muhiimadda sii socoshada wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo doorka ay nabad-gelyada Gobolka ku yeellan karo isfaham labada dhinac u dhexeeya oo la sii xoojiyaa.

Waxa uu sheegay inay dawladdiisu kaalin laxadleh ka qaadanyso sidii ay Somaliland iyo Soomaaliya u yeelan lahaayeen wadahadalo toos ah oo arrimaha laysku hayo lagaga doodayo,kuwaasoo loo baahanyahay inaanay kuwo dul ka xaadis ah. “Waxaanu doonaynaa inay Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan Mandaqad nabad-gelyo iyo degenaanshiyo ka jira oo ka dhisan Geeska Afrika. Waxaanu dhiiri gelinaynaa wada hadalada u socda labada dhinac oo loo baahanyahay inaanay noqon shir jaraa’id. Balse loo baahanyahay in hoos loogu daadego arrimaha badan oo u baahan in laga dooddo”ayuu yidhi.

Mr. Jens Mjaugeal waxa uu ugu dambeyn ku doodday“Waxa loo baahanyahay in la helo xidhiidh wanaagsan oo dhex mara Somaliland iyo Muqdisho,xataa iyadoo aan midnimo jirin in iskaashi labada dhinac ahi jiro ayaa ah arrin daruuri ah, markaa wadahadalku waxyaabahaas oo dhan ayuu suurto gelinayaa”ayuu yidhi.

Kulankan dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ambasador Mr. Jens Mjaugeal, oo ah kii ugu horeeyay ee dalka gudihiisa ka dhaca tan iyo markii ay Xukuumaddani talada la wareegtay, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay dalka mashaariic shidaal baadhiseed ka bilaabayaan Shirkaddo badankooda laga leeyahay Yurub, gaar ahaan wada Scandinavians-ka.