Sunday, September 21, 2014

Dawladda Soomaaliya oo wada hadalo la bilaabaysa Puntland

[caption id="attachment_98785" align="alignleft" width="300"]reysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya reysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya[/caption]

Muqdisho(GNA)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalku ay wadahadal la bilaabi doonto Dawlad Goboleedka Puntland.

Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay xidhiidhka u jartay dawladda Federaalka, waxaanay ku eeddeysay inay ku xad-gudubtay Shuruucdii dalka u taalay, gaar ahaan dastuurka federaaliga ah.

Talaabada xidhiidhka ay Puntland ugu jartay Dawladda dhexe ayaa sababtay inay xildhibaanadii baarlamanka ugu jiray puntland ay garoowe yimaadaan, iyagoo ka soo dhaqaajiyay baarlamankii ay ka tirsanaayeen.

Wada hadaladan u bilaabmaya Muqdisho iyo Garoowe ayaa mar hore oo loo balansanaa, ayaa dib u dhac ku yimi, arrimo farsamo awgood, sida uu sheegay ku-xigeenka reysal-wasaaraha dawladda Ridwaan Xirsi.

“Waxaan dadka Puntland iyo xukuumadoodaba u xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada shaqeeyaan Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran”.ayuu yiri.

Dawladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa dhowr jeer khilaaf siyaasaddeed soo kala dhex galay, iyadoo ay jireen heshiisyo bur-buray oo ay wada galeen xilligii nidaamka ku meel-gaarka ahi dalka ka dhisnaa.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com