Monday, September 29, 2014

Saylac: Kalluumaysatada oo xadhig lagu Ogolaysiinayo Cashuur sharci daro ah

Mucaaridka oo xukuumadda ku eedeeyay inay Xayiraad saartay ganacstada Kalluunka ee Xeebta Galbeed iyo Maamulka Gobolka oo Selel oo beeniyay

saylcaSaylac(GNA)-Kalluumaysato ka soo jeeda Gobolka Selel ayaa sheegay in loo diiday inay Kalluun u soo iib-geeyaan Magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa sababtay cabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah Kalluumaysatada Gobolka oo sheegay in Gaadiid baddeecado Kalluun ah u siday lagu xanibay Degmada Caasho-caddo oo ka tirsan Gobolkaas, kuwaasoo loo qabsaday inay cashuur bixiyaan.

Kalluumaysatada ayaa ku eeddeeyay xanibaada la saaray Saraakiisha Wasaaradda Maaliyada iyo Bilayska ee Deegaankaas, kuwaasoo sida ay ku doodayaan handidaad u geystay.

Suldaan Cabdiraxmaan Maxamed Aadan oo ka mid ah ganacsatada Kalluunka ka sii iibsada Baxaariyiinta, ayaa Gobanimonews u sheegay “Kalluunkii aanu saylac ka soo qaadnay ayaa gaadiidkii loo diiday inay u soo qaadaan Hargeysa oo lagu hor-joogsaday Caasho-caddo”ayuu yidhi.

“Waxay noo sheegeen inay cashuur ka doonayaan, dee goorta Kalluunka saylac ka soo baxay Cashuurta lagu soo rogayna garan mayno, hadii ay sidaas tahayna waa in ka berberana daray-godley lagu cashuuraa”ayuu sii yidhi Cabdiraxmaan.

Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Hore ayey sidan kale gaadhi kalluun siday intay xidheen wixii uu sidayba ku dul qudhmay oo markii uu Hargeysa yimi, aanu gaadhi dib ugu qaadnay oo soo daadinay,

Annagu garan mayno meesha loo socdo iyo cida waxan wada nimankii madaxda ahaana telefoonadii ma qabanayaan”.

Waxa uu sheegay in Maanta Gaadiid kalluun sida lagu xidhay Magaalada Caasho-cado, kaasoo gelinkii dambe la soo daayay, balse dadkii Kalluunka soo qaaday ay wali xidhanyihiin.

Maamulka Gobolka Selel iyo Xisbiyada Mucaaridka ah oo isku eeddeeyay arinkan

Maamulka Gobolka Selel ayaa Gobanimonews u sheegay inaanay jirin wax xanibaad ah oo ay dawladdu ku soo rogtay Ganacsatada Kalluunka ee Degmada Lughaya oo ay Xisbiyada Mucaaridka ahi sheegeen in Takoor Ganacsi lagu sameeyey.

Sida lagu sheegay Warsaxaafaddeed ka soo baxay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde. “Xisbiga waddani waxaa uu si mugle u canbaaraynayaa tacadiga iyo cunaqabataynta lagu soo rogay xeebta deegaanka lughaya, iyo guud ahaan Gobolka Salal.Arrintaas oo baal marsan ganacsiga xorta iyo wada noolaanshaha bulshada” ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeedkan oo Axadii shalay uu soo saaray. Waxaanu intaasi ku daray “Xukumada waxa ay caadaysatay in sii kordhiso shaqo la’aanta iyo Amini khalkhal gelinta gobolada degen, isla markaana ay abuurto isku dul noolaansho iyo dabaqado bulshada dhexdeed ah.

Waxaa uu xisbigu ugu baaqaya xuskumada inay ka dulqaado cidhiidhiga ay ku hayaan shacabka Lughaya ee markaa horeba la ku faakacayey helida quutal daruuriga loona soo celiyo xoriyadoodii ganacsi xeebaha galbeedka.” Ayuu yidhi Maxamed Uur-cadde.

Sidaasoo uu sheegay Xisbiga WADDANI, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Selel Cabdiqaadir Aadan Yuusuf oo Khadka Telefoonka ugu waramay Gobanimonews, ayaa si cad u sheegay inaanay jirin wax xayiraad ah oo deegaankaas xukuumaddu ku soo rogtay.

Waxa uu sheegay in dhawaan Xeebta Degmada Lughaya uu ka soo caariday Gantaal Diyaaraddeed oo shaki weyn dhaliyay, kaasoo markii ay ciidanku baadhayeen, dadka shacbiga ah laga codsaday inay ka fogaadaan aggagaarka goobtii laga helay. “waxa jirtay 21-kii bisha ee ay Badda wax ka soo caaryeen ayaa Ciidankii baadhista waday si cagta looga yareeyo la yidhi dadka shacbiga ahi haka fogaadeen xeebta, tiina way iska dhamaatay.”ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Selel. Guddoomiyaha ayaa si cad u sheegay“ma jirto meel cid laga xayiray, si caadiya ayaanay shaqadu uga socota, goor dhoweydbaanay kalluumaysatadii badda ka soo rawaxay soo galeen Magaalada” markaa waa been waxaas ay qorayaan”.ayuu yidhi. Ma jiro go’aan Xukuumadda ka soo baxay oo lagu beyaamiyay, waxa uu xisbiga WADDANI ku tilmaamay xayiraada lagu soo rogay ka Ganacsiga Xeebta Galbeedka Lughaya.

Gobanimonews

Saylac Office

Email: editor@gobanimonews.com