Thursday, September 25, 2014

Maxay Iska Shabahaan Ciidamada RRU-da Iyo Cudurka Ebola? By. C/raxmaan M. Cali

Marka laga hadlayo Ciidamo wadan leeyahay gaar ahaan Bileyska waxa ay shaqadoodu tahay inay u adeegaan bulshada, oo ay ilaaliyaan naftooda, sharaftooda iyo hantidooda, waxaana mabaadiidooda ka mid ah fulinta sharciga iyagoo hab cadaalad ah maraya.

Hadaba bileyska Somaliland ma yihiin kuwo bulshada ugu adeega sida mabaadiidoodu dhigayso mise iyagaaba ah kuwo halis ku ah nafta, sharafta iyo hantida bulshada cashuurta looga qaado si ciidamadaasi Bileysku ay mushahar u helaan.

Ciidamada Bileyska Somaliland magaca guud ha wadaagaane waa qaybo kala duwan oo ay ugu caansan yihiin RRU-da iyo SPU-da oo shaqooyinka ay qabtaan iyo qeexida magacyadooduba ay kala duwan yihiin.

Ciidamada RRU-da oo inta badan la tilmaamo inay samaysmeen xiligii wasiirka daakhiliga uu ahaa Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo lagu tababaray dugsiga badi Bileyska Somaliland laga soo saaro ee Mandheera ayaa waxa tababarida ciidamadaasi RRU-da gacanta ku hayey dawlada Ingiriiska oo ugu talo gashay la dagaalanka Argagixisada ama hadiiba ay jiraan kooxo (Ganges) rabshado wadayaal ah oo jabsada dukaamada iyo super market-yada sidii ay uga hortagi lahaayeen, magacooguna afka Ingiriisiga uu ku noqonayo Riot Resistance Unit (RRU).

Halka aalaaba la sheego in ciidamada Bileyska ee SPU-da oo loo yaqaano Birmadka ay u xilsaaran yihiin ilaalinta iyo sugida amaanka hay’adaha ajnabiga ah ee ka hawlgala Somaliland ayaan iyaga badanaa lagu arag hawlgalo ay fuliyaan oo dad shicib ahi ay wax ku noqdaan inkasta oo dhawr jeero oo dad xaafada shacabka lagaga rarayey ay ka qaybqaateen waxyeelayntooda.

Hadii aynu hadaba usoo gunda dagno dulucda mawduucan Ciidamada RRU-du waa dhalinyaro (ciyaala xaafad ah) oo tababar lagu siiyey inay wax toogtaan gaar ahaan qof amaanka khatar ku ah oo baxsanaya, hase yeeshee xukuumadani ay u adeegsato laynta, cabudhinta shacabka Somaliland ee dareenkooda ku cabira isku soo baxyo salmi ah.

Inkastoo marar badan si sharci daro ah RRU-du ugu daateen guryo ay bartilmaameedsadaan oo ay degan yihiin qoysaska siyaasiyiin aanay xukuumadu jeclayn afkaartooda, kuwaas oo argagax iyo salbabakh ku riday caruurta iyo xaasaska siyaasiyiintaasi, isla markaana gurta wixii hanti ah ee ay qaadan karaan sida Mobile-lada, Laptop-yada oo aanay xataa dhaafin Dahabka bilisaha guryahaasi ay u daataan jooga.

Waxa la ogyahay in magaalada Burco uu wiilyari ugu dhintay naxdintii uu ka qaaday niman ciidamada RRU-da ah oo afka iyo madaxa koofiyad bir ah ku sita.

Waxyeelada ciidamada RRU-du maaha kuwo lagu soo koobi karo qoraal, waxaanay dadweynaha gobolada Somaliland usoo joogeen dhalinyaro badan oo ay sahaydeen ciidamadaasi, haba u darnaato tii ka dhacday Hargeysa dabayaaqadii 2012-kii ee loo gaystay taageerayaashi ururka Xaqsoor iyo tii dhawr maalmoodka hor ka dhacday magaalada Gabiley ee dhalinyaradu inaga dhinteen kuna dhaawacmeen.

Hadaba miyaan la odhan karin Ciidamada RRU-du waxa ay iska shabahaan dhinaca laynta dadka cudurka Ebola ee ka delaacay dhawaan dalalka Galbeedka Afrika ee galaaftay nolosha dad badan oo Afrikaan ah?