Thursday, September 25, 2014

Madaweynaha Somaliland Oo Maanta Furay Qaadashadda Kaadha Muwaadiniinta Kana Bilaabmay G/maroodi-jeex

a7Hargeysa(GNA):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta furay kaadhka diiwaangelinta Madaniga ah ee Muwaaddiniinta dalka, isla markaana maanta isagu qaatay Kaadhkii ugu horreeyey ee diiwaangelinta Madaniga ah oo tijaabadeedu saaka ka bilaabantay magaalada Hargeysa.

MadaxweyNE Siilaanyo waxa uu shacbiga Somaliland u furay Qaadashada Kaadhka Muwaadinka oo ka bilaamatay maanta oo taariikhdu tahay 25/09/2014 Gobolka Marodi-jeex magaalo madaxdiisa Hargeysa.

 d4

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha oo iska diwaangeliyey Xarunta Hay’adda Shaqaalaha, waxa sidoo kale Madaxweynaha wehelinayey Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland oo iyaguna qaatay kaadhka Muwaaddinka.

 KAADHKA-KOOWAAD-EE-DIIWAANGELINTA-MADANIGA-AH-OO-SIILAANYO-QAATAY-300x220

 

 

 

 

 

 

Waxa goobta ku sugnaa shacbi weynaha Reer Somaliland qaybo ka mida oo iyaguna ka hadlay dareenkooda soona dhaweeyey Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga shacbigana ugu baaqay inay u dareeraan oo ay muujiyaan muwaadin-nimadooda.

 

Waxa iyana sidoo kale halkaasi ka hadlay Haween ka mid ah Ururka Nafaqo iyo dhalinyaro ka mid ah ururada bulshada oo saxaafada Hadlo u mariyey shacbiga Somaliland.

 

Madaxweynaha oo buuxiyey shuruudaha muwaadinka ayaa shaqaalaha diwaangelinta ku hawlani waxa ay Madaxweynaha u sameeyeen sida Sawirada ka muuqata kaadhka muwaadinka oo noqon doona mid shacbiga Somaliland wada qaadan doonaan loona baahan yahay inay u dareeraan oo ay dhamaystiraan shuruudaha looga baahan yahay.

 

 Gobanimonews.com