Wednesday, September 24, 2014

Wariye Michael Scott Moore oo muddo dheer lagu haystay Soomaaliya oo dib u helay xoriyadiisii

kkk(GNA)Wariye Michael Scott Moore, oo bishii Janaayo ee sanadkii 2012-kii laga qafaashay Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug oo tan iyo mudadaasi isu mar maray gacmo kala duwan ayaa shalay dib u helay xuriyadiisa.

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa warbaahinta xaqiijiyay in Michael Scott Moore uu dib xoriyadiisa u helay.

Wargeys kasoo baxa dalka jarmalka oo lagu magacaabo Der Spiegel oo uu si madax bannaan ugu shaqeynayay suxufiga ayaa qoray in Micheal Scott maanta laga duuliyey garoonka diyaaadaha magaalada Gaalkacyo, loona qaaday magaalada Muqdisho.

Lama sheegin in lacag madax furasho ah ay qaateen maleeshiyada uu suxufigu u afduubnaa, sida uu kusoo warramay wariyaha Bar-kulan ee Gaalkacyo.

Micheal Scott Moore oo ah suxufi, qoraa ah oo 45 sano jir ah ayaa la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Michael Scott Moor oo 45 sano jir ah, ayaa waxa sidoo kale uu heystaa dhalashada dalka Jarmalka, waxa uuna muddooyinkii ugu dambeysay uu ka hawlgalaayay Wargeys ka soo baxa dalkaasi.

Puntland waxay iska fogeysay inay gacan ka geysatay sii deysmada Wariyaha, marka laga reebo in Puntland kaalinteedu ay ahayd in diyaarada oo kaliya ay Wariyaha soo saarto, kolka loo keeno.

Maamulka Galmudug, ayaa horey u sheegay in juhdi badan ku bixin doonaan sidii uu dib xoriyadiisa ugu heli lahaa Suxufiga Moore.