Friday, September 26, 2014

Bangiga dhexe ee Somaliland oo isku shaandheyn lagu sameeyay Madaxdiisa gobolada

[caption id="attachment_91428" align="alignleft" width="400"]Guddoomiyaha Bank Somaliland Guddoomiyaha Bank Somaliland[/caption]

Hargeysa(GNA)-Bangiga dhexe ee Dawladda ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay madax-qaybeedyada laamaha Gobolada Khamiistii Maanta, sida lagu sheegay xog ka soo baxday maamulka guud oo Gobanimonews heshay.

Faahfaahin lagama hayo sababta isku shaandheynta ama isku bedelka loogu sameeyay saraakiisha bangiga dawladdu maamusho oo beryahan dambe ka nastay la tacaalidii dhaqdhaqaaqa Sarifka Lacagaha qalaad oo saameyn ku yeesha inta badan dhaqaalaha dalka.

Ha yeeshee isku bedelkan maamuleyaasha xarumaha Gobollada oo noqoysa markii labaad ee maamulka guud isku bedelo sanadkan, ayaa loo aanaynayaa in looga gol-leeyahay dar-dar gelin xagga shaqada ah.

Maamulihii laanta Koowaad ee Hargeysa waxa loo bedelay Magaalada Gabiley, kii Gabiley joogayna waxa loo soo bedelay Laanta koowaad ee Hargeysa.

Sidoo kale, waxa laysku bedelay Maamuleyaashii Laascaanood iyo Boorama iyo Maamuleyaashii Laanta Labaad ee Hargeysa iyo Laanta Burco.

Lama oga saameynta shaqo ee ay arrintani ku yeellan karto shaqada xafiisyada bangiga, balse waxa jirta habacsanaan dhaqan noqotay oo xafiisyada dawladda oo dhan ragaadisay, taasoo aan lagu suulin Karin qof la bedelo iyo ashkaas cusub oo shaqada la qoro balse loo baahanyahay in lagula tacaalo wacyi-gelin iyo tababaro loo fidiyo shaqaale hoosaadka iyo saraakiisha maamula.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com