Monday, September 22, 2014

Maxkamada Hargeysa oo toban Dhuxuleysate ku xukuntay Xadhig iyo ganaax

Hoos ka dhegeyso Wasaaradda Deegaanka oo soo dhaweysay, wacadna ku martay la dagaalanka Dhuxulaysiga...

vlcsnap-2014-09-22-17h53m12s42Hargeysa(GNA)-Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa min sagaal bilood oo xabsi ah iyo Lacag ganaax ah ku xukuntay Toban Nin oo dhuxuleysato ahaa oo lagu soo qabtay iyagoo dhir qoyan Dhuxul ka shidaya.

Maxkamdda ayaa midkiiba ku xukuntay 9 bilood oo xadhig ah iyo hal miylan oo Shilinka Somaliland-na oo lagu ganaaxay.

Raggan ayaa waxa gacanta ku soo dhigay Ciidanka amniga Somaliland ee la shaqeeya Wasaaradda Deegaanka, kuwaasoo muddo u xidhnaa falkaasi lagu xukumay, dacwaduna ku socotay.vlcsnap-2014-09-22-17h52m50s53

Wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday olole lagaga hortagayo gubista Dhirta qoyan, si loo badbaadiyo Deegaanka, loona soo afjaro xaalufinta Dhulka xoolo daaqeenka ah.

Xukunka ay Maxkamaddu ku riday 10 Eedeysane, ayaa waxa soo dhaweeyay Wasaaradda horumarinta Reer guuraaga iyo ilaalinta deegaanka iyo saraakiil ka socday Hay’addaha ka shaqeeya daryeelka deegaanka oo dhegeysiga Dacwada ka soo qayb-gelay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Maxamed Faarax Xirsi oo Warbaahinta la hadlay markii xukunka lagu dhawaaqay kaddib, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan ka go’antahay Ololaha lagu cidhib-tirayo Xaalufinta Deegaanka.

Halkan ka dhegeyso:

[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/deeganka-uo.mp3"][/audio]