Saturday, September 27, 2014

Da’da Madaxweyne Siilaanyo Waxay Noqotay Beentii Qarnigan 21-aad.

cabdirisaaq suudiDhaqankii hore ee ay soomaalidu lahaan jirtay wuxuu ahaan jiray marka uu nin weyni wax sheego wax ka bedelan wixii hore hadii uu mar kale sheego waxay ahaan jirtay nusqaan weyn, marka arintan laga afeef dhiganayo ee uu hadalku furmana waxa xeer beegtidu dhinacyada ay xaajadooda ku jiraan ku odhan jireen nin walowba hadalkaaga sumad ku dhigo.

Waxa kale oo jirta maah maah soomaaliyeed oo tidhaahda nin weyn oo hadal ka dhacay waa Geed Qolofi ka dhacday,maah maahdan waxaan uga dan leeyahay madaxweyne siilaanyo diwaangelintii hore ee sanadkii 2010-kii markii la DIWAAN GELINAYAY wuxuu sheegtay in uu dhashay 1936-kii kuna dhashay deegaanka YELAY ee gobolka togdheer,Shalay oo ay taariikhdu ahayd 25/09/2014ka wuxuu sheegay in uu dhashay 1942kii kuna dhashay Magaalada burco,maah maah soomaaliyeedba jirta oo tidhaahda ilahayow haa iyo maya meel hanagaga wada yeedhsiinin.

Marka kadibna waxa xasuustay qisadan soo socota nin ayaa bari kufsaday gabadh wax markhaati ahna looma hayn markii ay xeer beegtidu dhagaysatay dhinacyadii is hayey ee muduciga iyo mudacaleyga ahaa sida shareecada islaamku ay dhigayso dhinicii muduciga waxa lagu yeeshay inay markhaati goob joog keenaan oo cadaynaya in uu ninku gabadha kufsaday ,markii ay waayeen markhaati u cadeeya arinkii dhacay mudacaleygii oo ahaa ninkii gabadha kufsaday waxa lagu yeeshay in uu dhaar bixiyo ama milad oo kitaab quraan ah gacanta saaro isagoo ka dhaaranaya in uusan gabadhaa kufsan,Hadaba saaxiibayaal arinta mucjisada ah ee dhacday waxay ahayd markii uu ninkii kitaab quraan ah ku dhaaray ee uu ka dhaartay in uusan gabadhaasi kufsan,wax yar kadib iyadoo goobtii lagu wada sugan yahay ayuu nin raggii goobta joogay ka mid ahaa ninkii kitaabka quraanka ah ku dhaartay weydiiyey oo uu ku yidhi maxaa suxulada kaaga dhacay? Markaasuu ugu jawaabay waa rafadkii ay rafanaysay.

Hadaba saaxiibayaal waxaynu wada og nahay in uu madaxweyne siilaanyo uu kitaab quraan ah gacanta saaray oo uu ku dhaartay 27/07/2010-kii isagoo ku dhaaranaya in uu dadka iyo dalkaba uu daacad u noqonayo kuna maamulayo sinaan iyo cadaalad ,waxa se muuqata in marka wax kale oo dhan la soo dhaafo uu ka been sheegay da’diisii waxaanu la mid yahay ninkii gabadha kufsaday ee markii uu ka dhaartay kadibna la weydiiyey waxa suxulada kaga dhacay kuna jawaabay waa rafadkii ay rafanaysay.

Waxa hubaal ah hadii ay jiraan golayaal sharci dejineed oo tayo leh iyo garsoor madax banaani in madaxweyne siilaanyo lagu samayn lahaa maamuus ka xayuubin,waayo arintani waxay mugdi gelinaysaa caafimaadka madaxweyne siilaanyo iyo in uu dalka maamulo iyo in kale.

Xitaa akhriste Maxamed Siyaad Barre oo soomaliya xukumaayey 21 sannadood ahaana nin kaligii taliye ah oo aan dabadii la hadli jirin weligii laguma arag isagoo sheeganaya laba taariikhood oo kala duwan oo uu dhashay iyo laba meelood oo kale duwan oo uu ku dhashay,waxaana haboon inta uu siilaanyo tartanba gelin in la hubiyo caafimaadkiisa iyo taariikhahan is burinaya ee uu gole keenay,dhacdadan oo kalena weligeed laguma arag madaxdii caalamka soo martay.

Halkan ka akhri labadan taariikhood ee uu sheegtay Siilaanyo

 

Hadaba isku soo wada duuboo Da’da Madaxweyne Siilaanyo Waxay Noqotay Beentii Qarniga.

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland