Thursday, September 25, 2014

maayirka caasimada hargaysa oo balan qaaday inay dhisme dumarka u khaasa ka dhisdoonaan jeelka wayne







Hargeysa(GN):-Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan maxamuud Caydiid Soltelco  ayaa maanta booqasho ku tagay  jeelka weyn ee caasimada Hargeysa.

Maayarka caasimada oo goob joog ka ahaa olole dhinaca nadaafada oo dawlada hoose ka fulinaysay jeelka weyn ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu balan qaaday inay dawlada hoose jeelka Hargeysa ka  hir gelin doonto qayb dumarka u gaar ah.

Ugu horayn maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo ka hadlaya xirfadaha kala duwan ee maxaabiista lagu baro jeelka weyn ee Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Runtii halkan shaqo aad u fiican ayaa ka socota oo dhalinyaradii ay kala baxayaan xirfado ay barteen,  awalna waxa dhici jirtay markii ay jireen xukuumadihii hore inay dhalinyaradu halkan ka bartaan inay jeelka la




galaan dad iyaga ka sii waa weyn oo danbiilayaal ah, runtii aad ayey u wanaagsan tahay waana hawl aad u fiican la qabtay, xukuumadana madaxweyne Siilaanyana aad ayaan uga mahad naqaynaa inay  dhalinyarada jeelasha u samaysay tababar.”Sidoo kale maayarka caasimada Hargeysa waxa uu balan qaaday inay dawlada Hoose bilaabi doono qaadhaan ururin loo samaynayo dhisme u gaar ah dumarka oo laga dhex dhiso jeelka weyn ee Hargeysa waxaanu yidhi “Hargeysa dumarka laga xidho waxa la geeyaa Gabiley ama meel kale, waxaanu maanta halkan u nimid inaanu halkan kaga dhawaaqno qaadhaankii koowaad  dawlad hoose ahaan oo aanu gelinayno miisaaniyada 2015, waxaanu leenahay dumarka wax haysta  waa inay ka soo qayb qataan hawshaas oo qaadhaanka qaybtooda ka bixiyaan, sidii dumarka halkan looga samayn lahaa dhisme xabsi oo u gooniya oo ku dhex yaala xabsigan wayn ee Hargeysa oo dumarka lagu xidho si aan magaalo kale loogu qaadin gabadha xabsiga loo soo gudbiyo.”

Sidoo kale maayarka caasimada Hargeysa waxa uu ka hadlay ololaha dhinaca caafimaadka ee dawlada hoose ka fulisay jeelka weyn ee Hargeysa, waxaanu sheegay inay saldhigyada Hargeysa ka fulin doonaan ololahan nadaafadeed waxaanu yidhi “Buufinta aanu halkan ka wado marka ay dhamaato saldhigyada magaalada oo dhan ayaanu u gudbi doonaa, iyada oo maxaabistani ay ka yimaadaan saldhigyadaas qaar kalana joogaan, jeelkana waxaanu u diyaarinay dhulkii laga dhisi lahaa qaybtii labaad iyo qaybtii ciyaalka dhaqan celinta lagu samaynayo oo aanu isagana dhulkiisii u diyaarinay, wasaarada cadaaladana aanu ka wada socono in mashaariicdaas la hir geliyo.”

Dhinaca kale maayarka caasimada Hargeysa waxaa uu ka hadlay hawl galo ay habeenadii ugu danbeeyey ciidamada Police-ku qab qabanayeen dhalinyaro rabshado waday, waxaanu fariin u diray waalidiinta waxanu yidhi “Waxaan leeyahay waalidka maalmahanba Police-ku hawshii qaranka waxay kaga mashquulsanayeen dhalinyarada, dadweynuhu waxay yidhaahdaan marka ilmaha la soo xidho jaamacad ayuu ku maqnaa iyo  wuxuu ku maqnaa masaajid, waxaan leeyahay waalidka ogaada halka ilmihiinu ku maqan yahay, inamadiina waxay samaynayaan inay hablihii ku gafaan habeen walba, haddii aad u haysataan inuu inankiinu jaamacad ama masaajid ku maqan yahay hubsada  waxaanan leeyahay ciyaalka ha laga war hayo, anaguna ma jeclin inaanu qabano mid aan dulmi samayn laakiin marka ay waxaas ku kacaan cidna uga dul qaadan mayno, hawshaasna aad ayaan wax uga qabanaynaa waalid walibana waa inuu ogaada halka ilmihiisu ku maqan yahay.”

Dhinaca maayarka caasimada Hargeysa ayaa maxaabiista ku jirta jeelka weyn ee magaalada Hargeysa u balan qaaday inuu maalinta ciidal Odxada u keeni  doono laba awr oo ay qashaan.

 

 

 

mustafe axmed maxamed(Herer)

Gobanimonews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Herersax@gmail.com