Thursday, September 25, 2014

Xisbiga Mucaaradka ah ee ucid oo canbareeyey Xadhiga ay Xukuumada Kula Kacday Xildhibaan Ibraahin Sangal.

Halkan ka akhriso Warsaxafadeedkaas

JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                                 REPUBLIC OF SOMALILAND



Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                                           {UCID}                                                                                                                                                                                 Justice and Welfare Party    









Ref/UCID/0020/2014                                                                                                Date: 25/09/2014


WAR _SAXAAFADEED


HARGEYSA


Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Xadhiga Ex Xildh Ibraahim Axmed Xasan(SANGAL )


Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Si Aan La Soo Koobi Karin Ugu Canbaareynaynaa Xadhiga Sharci_Jabinta,Dulmiga,Awood Sheegashada Iyo Xaqdarada Ah Ee Loo Geystey  Ex Xildh Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) Oo Ahaa Xildhibaanadii Hore Ee Golaha Deegaanka iyo Waliba Musharaxiintii Golaha Deegaanka Gobolka Gabiley Ee Danbe isla Markaana Ahaa Wakhti Xaadirkan Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka Ee Xisbiga UCID

Ayaa Isaga Oo Qaban Qaabinaya Xaflad Taageerayaal
 

Cusub Oo Ku Soo Biiraya Xisbiga UCID ayaa Awood Ciidan ay Kaga Hor istaageen Xaley  Mayorka Iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley isla Markaana Xadhig Loogu Darey Loona Dhaadhiciyey Station Policeka Magaalada GabileyHadaba Xisbiyadii Mucaaradka  JSL Ku Biiristoodii iyo Taageeristoodiiba Ma Waxay Noqotey Ka Mid Noqoshadii Ururka S.N.M Ee Taliskii Maxamed Siyaad Bare Xaaraantimeeyey

Dhaqamada Noocan Ahina iyo Qaar Kale Oo Badaniba Waa Dhaxalka siyaasadeed Ay Soo Kordhisay Xukuumadeenu Intii Ay Talada Haysey Waana Lagu Xasuusan Doona Mustaqbalka Insha,Alah

Xisbiga Ucidna Uma Dulqaadan Doono, Dibna U Daawan Maayo In Masuuliyiintooda Iyo Taagerayaashoodaba Lagu Xidho SiFo Sharci_Daro Ah

Waxaanaanu Ugu Baaqeynaa In Si Deg Deg Ah Xoriyadiisii Loogu Soo Celiyo Ex Xildhiban Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) Isla Markaana Raali Galin Ka Bixiso Xukuumadu

XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID


Md: YUUSUF KAYSE CABDI LAAHI