Monday, September 22, 2014

Ceel-afweyn oo laga soo dhaweeyay Heshiiska Xeer-diwaan-gelinta Diwaan-gelinta.Daawo

CEEL AFWEYNDadweynaha Reer Ceel-afweyn ayaa soo dhaweeyey Heshiiskii Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi shalay ka gaadheen Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah iyo Codbixiyeyaasha.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Telefishanka Dawladda ee degmadaasi, dadka ayaa arrintan ku tilmaamay guul weyn oo qaranka u soo hooyatay, taasoo wax weyn u soo kordhinaysa dalka.

“waxaan leenahay ka naxoow nafta waa, waa heshiis dhaxal-gal ah” ayuu yidhi Mid ka mida Bulshada reer Ceel-afweyn oo Warbaahinta Dawladda la hadlay.

Halkan ka Daawo: