Sunday, September 21, 2014

Maamulka Xawaalada jubba oo caddeyey inay Dhoofinta dadka ka Ganacsadaan.Daawo

jinaKhadar Maxamuud ah Maareeyaha Guud ee Xawaalada Jubba Express ayaa warbaahinta u sheegay inay soo saaraan Fiiseyaasha Waxbarasho ee ay ardaydu ugu baxdo suudan.

Maareeyaha ayaa sidaas sheegay isagoo beeninaya warbixin uu daabacay Wargeyska Foore oo ka mida wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Waxa uu sheegay inaan arrintaasi waxba ka jirin, sharcigana ay la tiigsanayaan warsidaha warkaas ka qoray.

Laakiinse sheegida sarkaalkan ee howsha dhoofinta dhalinyarada waxbarashada u doonta Sudan ayaa u muuqata arrin xidhiidh la leh tan uu wargeysku qoray ee tahriibinta dhalinyarada.

Hore waxa loo tuhunsanaa inay jiraan shirkaddo ka qayb qaata tahriibinta dhalinyarada oo xarumahoodu ku yaallaan Magaalooyinka Somaliland.

Shirkaddan lafteeda ayaa lagu xidhiidhiyay inay qayb ka tahay mukhalasiinta dhiiri geliya socdaalka masaafada dheer iyo dhibta badan ee Yurub loogu tahriibo oo marba marka ka dambeysa ku soo badanaya Somaliland.

In lagu xidhiidhiyo arrintaasi waxa sabab u ah xarumaheeda ku yaalla suudaan oo dadka tahriibeyaasha ah lacagta madax furashada looga doono lagu shubi jiray.

Wali ma kala cadda in hay’addaha baadhistu arrintan wax ka waydiiyeen maamulka shirkadda iyo in kale, balse waxa muuqata inuu wali sii taaganyahay tuhunka laga qabo inay ka mid tahay sharaa’iga aan wali sharciga lala tiigsan ee dhalinyarada ka ambabixiya Dalkooda.
Halkan ka daawo waraysiga uu bixiyay
maareeyaha Shirkadda Jubba Express: