Thursday, September 25, 2014

10 Eedaysane Oo Ay Ku Jiraan 9 Soomali Ah Oo Ay Haweenay Ku Jirto Oo Maxakamad Lagu Soo Taagay Kampala.

Gobanimonews) Thursday, September 25, 2014 17:25:34
10 Eedaysane Oo Ay Ku Jiraan 9 Soomali Ah Oo Ay Haweenay Ku Jirto Oo Maxakamad Lagu Soo Taagay Kampala

Kampala- (gn)-Dacwad ka dhan Toban Qof oo Sagaal Ka mid ahi ay Soomaali yihiin ayaa ka bilaabantay maxkamad ku taala caasimada dalka Uganda ee Kampala.

Tobankan eedaysane waxa ay kala yihiin Sagaal qof oo Soomaali Ah oo ay ku jirto haweenay iyo qof kale oo u dhashay Kaenya, waxaana loo haystaa in ay xidhiidh la lahaayeen weerarkii argagaxiso ee dalka Uganda lala beegsaday sannadkii 2010-kii, oo ay ku dhinteen Lix iyo Todobaatan qof. oo ciyaarihii koobkii dunida ku daawanayay goob ka mid ah goobaha lagu caweeyo ee ku yaala magaalada Kampala.

mustafe axmed (Herer)

Herersax@gmail.com

Gobanimonews.com/Office

Hargeisa/Somaliland