Sunday, September 28, 2014

R/wasaaraha Soomaaliya oo Guddi u saaray Cabashada Shaqaalaha Dekedda Muqdisho

reyaaMuqdisho, 27, September,(GNA) 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada ayaa maanta kormeer saacado qaatay ku tegay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, taas oo baryihii u danbeeyay ay ka jireen cabashooyin ay muujinayeen xoogsatada ka shaqaysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo kormeeray dhammaan qeybaha ay ka koobantahay Dekadda Muqdisho, isagoo halkasi kulan kula qaatay Masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Dekadad iyo qaar kamid ah xoogsatada ka shaqaysa iyo maamulka shirkadda gacanta ku haysa Dekadda , wuxuuna kala hadlay sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ay qabaan xoogsatada dekadda ka howlgasha.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay maamulka iyo qeybaha ka howlgallada dekadda markii uu soo dhammaaday kaddib, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) oo sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay tahay u-kuurgalidda cabashooyinkii baryahan ka imanayay shaqaalaha muruq-maalatada Dekadda.

“Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu waxay ahayd si loo ogaado hawlaha ka socda Dekadda iyo cabashooyinkii baryahaan ka imaanayay shaqaalaha iyo Muruq-maalka, wuxuuna la kulmay qeybaha kala duwan ee ka howlgala Dekadda, ujeedkuna wuxuu ahaa in xal laga gaaro mad-madowgii baryahan jiray, guddi ayaana loo saaray arrintan kasoo tallo bixiya” ayuu yiri Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Macalin Baadiyow oo intaas ku daray kulankii manta in uu guul iyo is-afgarad kusoo dhammaaday.

Dhinaca kale, “Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed maanta ku tagay Dekadda weyn ee Muqdisho, ayaa qayb ka ah hawlaha uu doonayo in kor loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u hayso Xukuumaddu” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska reysal-wasaaraha.

Todobaadkii hore ayaa waxa dibad baxyo isugu soo baxay Magaalada Muqdisho Shaqaalaha xoogsatada ah ee dekedda muqdisho, kuwaasoo ka cabanayay Mushahar yaraan iyo maamul xumo.

Shaqaalaha ayaa maamulka Dowladda u gudbiyay qoraal cabasho ah oo ay ku sharaxeen waxyaabaha ay ka cabanayaan iyo rabitaankooda.

Dekedda Muqdisho ayaa sanadihii la soo dhaafay si wanaagsan u shaqaynaysay, iyadoo ay ka mid tahay goobaha dakhliga badani ka soo galo dawladda.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com